Laba qarax oo xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Published: March 24, 2017

Laba qarax oo xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo in badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay xaafadda Seeybiyaano ee degmadda Hodan ee magaaladda Muqdisho lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Qaraxa labada ayaa ka dhacay banaanka hore ee maqaayada Banooda oo u dhaxeysa taalada Xaawo-Taako iyo Daljirka-daahsoon.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku geeryooday, halka 4 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ahaa mid ka dhashay gaari laga soo buuxiyey waxaha qarxa oo goobta la dhigay, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray gawaarida dab damiska iyo kuwa gurmadka deg-dega ah.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *