Uhuru Kenyatta oo casho sharaf u sameeyay madaxweyne Farmaajo – SAWIRO / VIDEO

Published: March 24, 2017

Kadib markii shalay si heer sare ah si meeqam sare ah loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Magaaladda, halkaasi oo ku tegay booqasho rasmi ah ayaa xalay waxaa casho sharaf u sameeyay madaxweynaha iyo Weftigiisa Madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta.

Casho sharafta loo sameeyay madaxweyne Farmaajo waxaana goob joog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Rhuto iyo mas`uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi

Labada madaxweyne ayaa shalay ka wadahadalay qodobo ay ka mid ahaayeen ammaanka, Ganacsiga, Maalgashiga, dalxiisa,shaqada, kalluumaysiga iyo duulimaadka tooska ah ee muqdisho iyo Nairobi, waxayna ku heshiiyeen in la joojiyo duulimaadyadii sii mari jiray Wajeer iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulan gaar ah oo madaxda waddamada IGAD ku yeelan doonaan Nairobi maalinta Sabtida ah.

Kulanka oo ay marti gelinayso Kenya waxaa lagu eegi doonaa xaaladda abaarta iyo sidii wax looga qaban lahaa, arrinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya doonayso in ay dib ugu celiso Soomaaliya, Xaaladda ammaanka, iyo dabcan taageerada IGAD ee kullanka Soomaalida ee lagu qaban doono London bisha May ee soo socota.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *