Ciidamada Puntland PSF oo mushaharkooda ugu deeqay dadka Abaarta Saameysay – VIDEO

Published: March 25, 2017

Ciidamada Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa bilaabay hawlgalo ay ugu gurmanayaan dadka reer guuraaga ah oo ay abaarta Saameysay.

Askarta ciidanka PSF oo mushaharkooda qeyb u jaray dadka abaarta saameysay ayaa deeq gaarsiiyey dadka reer guuraaga ah ee usoo hayaamay deegaano ka tirsan gobalada Bari iyo Karkaar. Deeqdan ayaa isugu jirtay Raashin iyo Biyo.

Ciidamada PSF ayaa tilaabadan qaaday xili qeylo dhaan loo wada diray dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee laga codsaday inay u gurmadaan dadka dhibaatada kasoo gaartay abaaraha wada taabtay deegaanada Soomaalidu degto.

Gobalada Bari iyo Karkaar ayey ku sugan yihiin xiligaan reer guuraa badan oo kasoo hayaamay Waqooyiga, koonfurta iyo waliba deegaanka Soomaali Galbeed kuwaasi oo xoolahooda inta yar ee uga haray ulla soo safray ceelasha ay biyaha yar ku hareen.

Ciidamada PSF ayaa sidan oo kale horey bilihii lasoo dhaafay deeq u gaarsiiyey dadka reer guuraaga ah ee u sugan gobalka Mudug iyo Nugaal.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *