Guddiga Doorashada Puntland oo Bilaabaya Diiwaangalinta Xisbiyada Siyaasada.

Published: March 25, 2017
Guddoomiye K/xigeenka Guddiga doorashada Puntland

Guddiga doorashadda Puntland ayaa la filayaa maanta in si rasmi ah u bilaabaan furitaanka iyo diiwaangalinta ururadda Siyaasadeed ee doorashooyinka goloyaasha degaanka oo ku dhacaya nidaamka xisbiyadda Badan ee Puntland.

Diwaan-gelinta ururadda Siyaasadda oo ku beegnayd jadwalka doorashadda 1 december 2016ka ilaa 31 jannaayo ee Sanadkan ayaa dib u dhacday sababo aan la shaacin awgeed, waxaa sidoo kale dib u dhacay barnaamijkii wacyigalinta iyo baraarujinta nidaamka axsaabta badan oo jadwalka doorashadda ku xusnayd in la bilaabo bishii november ee sanadkii hore.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Gaas ayaa bishii October ee sanadkii hore hore wuxuu Daahfuray Hanaanka Geedi-Socodka Doorashooyinka Puntland iyo Nadaamka Xisbiyada Badan ee Puntland, isagoo khudbad uu ka jeediyay munaasabadii furitaanka ku sheegay inay ku dadaali doonto in waqti ka dhiman mudada xukuumadiisa ay dalka ka dhacdo doorasho hal cod iyo hal qof ah.

Waxaan kaloo la filayaa in Madaxweynaha Puntland uu soo magacaabo xubin cusub oobedeli doonta guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Axmed Maxamed Cali (axmed Kismaayo) oo is casilay sanadkii hore.

Jadwalka Doorashada ayaa sidan u dhignaa

Mudada diwaan gelinta Ururada Siyaasada PL : 1 Diseembar – 31 Janaayo 2017

Nadaamka kala saarida Ururada Siyaasada PL. : 1 Feberaayo – 31 Maarso, 2017

Aqoonsiga Ururada Siyaasada PL: 1 Juun – 7 Juun 2017

Diyaarinta hab raaca Nadaamka Doorashada PL: 8 Juun – 18 Juun 2017

Dejinta xal u helida Khilaafaadka Urarada Siyaasada Dhexdooda ka dhaca.: 19 Juune – 24 Juun, 2017

Kormeerida goobaha doorashooyinka deegaanada PL: 1da Luuliyo – 21 Luuliyo 2017

Dib u furista xafiisyada Gobolada iyo Degmooyinka ee TPEC iyo howl gelinta shaqaalaha iyo tababaradooda: Luuliyo 22 – Oktoobar 22, 2017

Tababarka Ururada siyaasada iyo Hab-dhaqan kooda ee nadaamka Doorashooyinka PL. Oktoobar 23 – Oktoobar 28, 2017

Soo gudbinta liiska musharaxiinta iyo Mudada ololaha Doorashada : Nofeembar 01 – 20 Diseembar, 2017

Qabashada Doorashada Golayaasha Deegaanka PL: Diseembar 22, 2017

Ku dhawaaqida natiijada dorashada ee Golayaasha Deegaankaa PL: Diseembar 23 – Diseembar 25, 2017.

Gudoon siinta Aqoonsiga sadex-da xisbi ee soo gudba.: Janaayo 05 – 15 Janaayo, 2018.

Gabagabadii, dad badan oo reer Puntland ayaa iswaydiinaya inay suurta-gal noqon karto nidaamka doorashada xisbiyadda badan uu ka hirgali karo Puntand markii u horraysay muddo 18 sanno tan xiligii la asaasay,iyadoo hore loogu fashilmay in la hirgaliyo.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *