Madaxweyne Farmaajo: Museveni Talo Fiican Ayuu I Siiyay 2011kii

Published: March 25, 2017

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Ugandha ayaa kullan gaar ah ku yeeshay magaaladda Nairobi oo uu ka socda shirka madaxeedka wadamadda IGAD ee looga hadlayay qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna ka wadahadleen xiriirka labada wadan, Nabadgelyada iyo horumarinta

Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni ayaa ugu hambalyeeyay madaxweyne Farmaajo guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada Soomaaliya ee 8 january 2017, wuxuuna u ballanqaaday inuu si wadayo taageerada dhinac amniga ee lagu hormarinayo nabadgelyadaSoomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhiniciisa uga mahadecliyay madaxweynaha Museveni taladii wanaagsanayd ee uu siiyay sanadkii 2011 oo uu xilka ra;isul Wasaaraha uu ka degay ka dib markii uu dhacay heshiiskii loo yaqaaney “Kampala Accord”kaasi oo dhexmaray Museveni, sheekh Shariif iyo Farmaajo.

“Waxaa ay aheyd talo fiican, qofka waa in uu qaataa go`aan isaga oo eega maslaxadda dalka, hadda waxaan xoogga saarayaa dhismaha ciidamada, qalabeyntooda iyo in aan ka hortagno Al-shabaab” ayuu yiri Farmaajo.

Gabagabadii, Dalka Ugandha ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamadda ugu badan ee nabad ilaalinta Amisom kuwasoo ka howlgala Caasimadda iyo gobolada kale koonfurta Soomaaliya, wuxuuna gacan weyn ku leeyahay go’aan kasta oo laga qaadayo Soomaaliya ee dhinac Amniga.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *