Nairobi: Madaxweyne Farmaajo oo Jaaliyadda Kenya ka codsaday taageeradooda – VIDEO

Published: March 25, 2017

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Kulankan ayey kasoo qeyb galeen ganacsato badan oo saldhigoodu yahay dalka Kenya iyo mas’uuliyiin ka socota dowlada Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadii uu goobta kasoo jeediyey uga hadlay kulamadii uu la yeeshay dhigiisa Kenya iyo waliba xaalada Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa jaaliyadda Soomaalida ka codsaday taageeradooda, isla markaana ka qeyb qaataan maalgashiga iyo waliba u gurmashada dadka ay saameysay abaarta dalka ka jirta.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhankiisa iyo dowlada Soomaaliya la imaan doonto hufnaan dowladnimo oo ay si adag ulla dagaalami doonaan musuq maasuqa, dhanka ganacsatadana looga baahan yahay inay jeebka gacanta geliyaan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *