Nairobi:Shir Madaxeedkii Wadamada IGAD Oo La Soo Gabagabeeyay

Published: March 25, 2017

shir madaxeedkii gaarka ahaa ee wadamada xubnaha urur goboleedka IGAD ee looga arrinsanayay amaanka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Kiiniya ayaa goor dhoweyd lagu soo gagabeeyay Magaaladda Nairobi.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen Madaxweynayaasha Kiiniya, Ugandha, Somalia, Jabuuti, Koofurta Suudaan, Ra;isul Wasaaraha Ethiopia, madax ka socota midowg afrika, midowga yurub, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa madaxweynaha Kiiniya oo shirka martigalinayay wuxuu sheegy in dalkiisu uusan aqbali karin xeryaha qaxootigu ee Dhadhaab inay gabaad u noqoto waxa uu ugu yeeray argagixisada,

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacsan gudaha dalalka bariga Afrika. 1.1 milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi waxay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.

“waxaanumartigelinay tirada ugu badan ee qaxootiga Soomaalida iyo xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka oo dhan. Waana ku faraxsanahay in shirkan muhiimka ahna aan martigelinay. Waxaan aaminsanahay in qaxootiga Soomaalida ay xaq u leeyihiin nolol sharaf leh”, ayuu yiri Kenyatta oo furay kulan madaxeedka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kullan madaxeedka Igad ka hadlay ayaa uga mahadceliyay wamadda Kiiniya iyo Yemen martegalinta qaxootiga Soomaaliyeed, waxaana uu sheegayin xukuumadiisu ay ka shaqayn doono sidii dib u dejin loogu samayn lahaa qaxootiga

“Tijaabooyinkii hore waxaan ka barannay in marka ay hay`adaha ku shaqeeyaan gudaha dalka aad loo dareemo saameyntooda,Dowladda Soomaaliya waxa ka go’an in la abuuro jawi ay hay’adaha uga dhex shaqeyn karaan dalka gudahiisa.” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya

wuxuu ugu baaqay hay’adaha Caalamiga ee ka shaqeeya arrimaha Samafalka iyo horumarinta inay u guuraan gudaha Soomaaliya si ay u caawiyaan dadka soomaaliyeed, gaar ahaa qaxootiga doonaya inay dalkooda dib ugu laabtaan

Gabagabadii, Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtayIn ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacsan gudaha dalalka bariga Afrika, iyadoo in hal milyan oo qof barakacayaashaasi ay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *