Puntland oo Fasaxday Furashadda Xisbiyadda Siyaasadda-Sawiro

Published: March 25, 2017

Guddiga doorashooyinka kumeel-gaarka ee Puntland ayaa maanta si rasmi ah u fasaxay furashadda nidaamka xisbiyadda badan ee doorashooyinka gollayaasha degaanka Puntland

Xaflada Furitaanka oo lagu qabtay xarunta PDRC ee Caasimada Garoowewaxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland, guddoonka Baarlamaanka, masuuliyiin ka tirsan gollaha xukuumada, Guddoonka guddiga doorashadda, ururada bulshada rayidka ah, siyaasiyiin, Isimo, xubno ka socdey beesha caalamka, iyo martisharaf kale.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku dhawaaqay in puntland ay fasaxday furashadda iyo meelmarinta ururadda siyaasadda ee doorashooyinka gollaha degaanka, isagooku dheeraaday waxtarka iyo qiimaha ay u leedahay shacabka Puntland dimuquraadiyad lagu saleeyey diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan,

wuxuu sheegay in xukuumadda uu madaxda ka yahay ay diyaar u tahay hirgalinta hannaanka doorashadda xisbiyadda Puntlandisla markaana ay tahay mid lagaga baxayo habka wax lagu qayb sado iminka.

“Fadhig ku dirirka ka taga oo xisbi-ku-dirirka u gudba, dad badan ayaa lahaa dowladu daacad kama ah nidaamka dimoqraadiyadda, hadda waa furan yihiin nidaamkii xisbiyadda ee furta xisbiyo” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay.

” waxaan u baahanahay in dimiquraadiyad noo shaqaynaysa aan samaysano isla markaana ay noqoto mid salka ku haysa diinteena islaamka oo aan ka hor imaanaynin, sidoo kalena ka turjumaysa, dimiquraadiyada Geedkaan rabnaa, dimiquraadiyad Geelaan rabnaa”ayuu yiri Madaxweynaha

Dhinaca kale, Goddoomiyaha kumeelgaarka ah ee guddiga Doorashadda Puntland Maxamed Soofe Xasan ayaa dhiniciisa sheegay in siyaasiyiinta doonaya inay furtaan ururo siyaasadeed ay macluumaadka la xiriira habraac doorashooyinka, xeerka ururadda siyaasadda iyo foomka diiwangalinta ay ka heli karaan xafiiska guddiga doorashadda ee Caasimadda Puntland.

Dhinac kale, Masuuliyiintii ka socotay ururadda bulshada rayidka ah ee Puntland, Hay’adaha Caalamiga ee daneeya dimoqraadiyadda ayaa soo dhaweeyay dib u bilaabida hannaanka doorashooyinka Puntland oo sanadkii 2013ka la joojiyay.

Gabagabadii, inkastoo uu madaxweynaha Puntland uu marar badan sheegay inuusan doonayn in dib loo doorto, haddana lama oga in madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, gollaha wasiiradda iyo xubnahaha barlamaanku ay xisbi siyaasadeed furan doonaan, sidookaloo waxaan la sadaalin karin sida ay dadweynuhu u soo dhawayn doonaan furitaanka xisbiyadda madaamadib-u-dhacyo badan ay ku yimaadeen hanaanka doorashadda Puntland.

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *