Raysalwasaare Kheyre oo loo qabtey 7 maalmood gudahood

Published: March 25, 2017

Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa gaarsiiyey raysalwasaaraaha Xukuumadda Federaaliga ah Xasan Cali Kheyre dhaliil iyo saluug ka yimid Xildhibaano ka badan 100 kuwaas oo ku dhaliiley in golaha wasiirada ee uu dhawaan magacaabey Xasan Cali Kheyre aysan waafaqsaneyn qaabka habqeybsiga ee horey loogu dhaqmi jirey.

Raysalwasaaraha ayaa laga dalbadey in uu saxo khaladka ka hor inta aanu wakhtgu ka dhamaan si looga baaqsado khlaaf iyo dib u dhac ku yimaada ansixinta Xildhibaanada.

Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Jawaari ayaa Raysalwasaaraha ka dalbadey in uu golaha wasiirada baarlamaanka ku horkeeno ugu danbeyn 31 Maarso oo ay ka harsan tahay wax ka yar 7 maalmood.

Halkan guji qoraalka eeg

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *