Xaalad Bini’aadanimo oo ka taagan Baardheere gobolka Gedo- SAWIRO

Published: March 25, 2017

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay halkaas ka taagan tahay xaalad bini’aadanimo, waxaana dadka qaarkood soo ritey xanuuno iyo nafaqo darro.

Wafdi ka socda Dawladda Federaalka oo hoggaaminayo Xildhibaan Maxamuud Cali Magan iyo masuuliyiin ka socota Safaaradda Turkigu ku leeyahay Muqdisho ayaa gaaray Degmada Baardheere, waxayna kulamo la yeesheen dadkii soo barakacay ee degan duleedka magaalada, waxayna sidoo kale la kulmeen maamulka degaanka. Iyagoo kormeerey Isbitaalka guud halkaas oo ku jiraan dad uu soo ritey cudurka shuban biyoodka.

Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyey Isbitaalka magaalada daawo dhan Hal tan Iyo saddex Boqol taas oo loogu talagalay dadka uu shuban ku dhacay. Waxana dawadani soo dhiibay dhowr muwaadin oo turki ah kuwaas oo Ay Ku caawinayaan shacabka Baardheere. Waxaa kaloo biya yareeyey wabiga oo meelaha qaar aad lug ku dhex Mari karto.

FAAFIN HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *