HRW: Waxay U Badantahay In Uu Dembi Dagaal Ahaa Duqayntii Lagu Dilay Qaxootigii Soomaaliyeed ee Yemen

Published: March 26, 2017

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Right Watch (HRW) ayaa sheegtay inweerarkii ay xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo ku qaaday doon dad rayid ah oo Soomaali ah saarnaayeen oo marineysay xeebta Yaman ay u badan tahay inuu dembi dagaal ahaa, waxayna muujisay baahida loo qabo isla xisaabtan

Hay’adda Xuquul insaanku waxay xustay in dhowr goobjoogayaal ai ay sheegeen in 16-kii Maarso 2017, ay diyaarad helikobtar ah duqeysay doonta, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof oo ka mid ah 145 qaxooti Soomaali ah oo doonta saarnaa iyo qof rayid ah oo Yaman u dhashay. 29 qof oo kale oo ay ku jiraan 6 carruur ah ayaa ku dhaawacmay, waxaana la la` yahay 10 qof. Sawiro maalintii xigtay doonta laga qaaday ayaa muujinaya burbur kasoo gaaray rasaas hawada looga soo riday.

HRW waxay intaa ku dartay in dhinacyada ku lugta leh colaadda ay beeniyeen in ay mas`uul ka ahaayeen weerarkaasi, hase yeeshee xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo oo keliya ayaa leh diyaarado dagaal, halka xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Cali Cabdalla Saalax aanay lahayn awooddaasi.

HRW waxay intaa ku dareen inkastoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalbatayin dalalka isbahaysanaya ay baaritaan ku sameeyaan weerarkaasi, haddan xulafada Sucuudigu diyaar uma aha baaritaan micno leh oo ku aaddan tacaddiyada ay ciidamadeeda geystaan.

Duqeynta iska cad ee ay xulafadu u geysatay doonta ay qaxootiga ka buuxeen, ayaa ah falkii ugu dambeeyay ee suuragal ah in uu yahay dembi dagaal oo ay ka fulisay Yaman inta uu socday dagaalka hadda laba sana jirsaday,” ayay tiri Sarah Leah Whitson, oo ah agaasimaha Human rights Watch ee Bariga Dhexe. Waxa ay intaa raacisay “Taxadar la`aanta iyo tixgelin la`aanta noolasha dadka rayidka ah ayaa gaartay heer xun oo aan horay loo arag.”

Gabagabadii, Warbixinta ayHuman Rights Watch ka soo saartay weerarkii lagu laayay Soomaalida qaxootiga ah iyo duqaynta xulufada Sucuudigay ee Yemen, ayay ku sheegtay inaysan suurtagalin in ay ogaato dalka ay diyaaradiisu weerartay doonta qaxootiga.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *