Madaxweyne Gaas Oo Daahfuray Siyaasada Daryeelka Dadban ee Caruurta Dayacan-Sawiro

Published: March 26, 2017

Caasimadda Garoowe waxaa lagu qabtay Munaasabad ballaaran oo lagu daahfuray Siyaasadda daryeelka dadban ee Caruurta Soomaaliyeed ee reer Puntland ee dayacan, waxaana daahfuray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday hoolka shirka ee jaamacada Bariga Africa ee Garoowe waxaa ka qaybgalay wasiiradda waxbarashada, Cafimaadka iyo haweenka, Saraakiil ka socotay hay`adahaha Unicef, Save-the-Children, Wakiilo ka socday midowga yurub, ururadda bulshada ee caasimadda,Haween iyo caruur

Wasiiradda haweenka iyo arrimah qoyska Puntland Aniisa Sheekh C/qaadir ayaa sheegtay in ujeedada laga lahaa soo saarista siyaasadda ay ahayd sidii loo heli xarun dhexe oo lagaga socda xarumaha lagu daryeelo caruurta dayacan, helida shaqaale tababaran oo daryeela caruurtaas.

” Siyaasadan waa qorshe dowladeed oo qeexaya habka xanaano ee caruurtu dayacacan u baahan yihiin, Nidaam dowli oo ilmaha loo aqoosano karo inuu yahay ilmo dayacan, la socoshada Tiradda xarumaha daryeelka caruurta oo soo badatay kuwasoo aan lahayn nidaam xanaano, in ilmaha dowladu la socoto ama xiriirka kor loo qaado, shaqaalo tababaran oo xanaaneeya caruurta dayacan ” ayay tiri Wasiirada haweenka

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku aamaanay Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska wax ka ogaanshaha iyo daryeelida ay had iyo jeer la garab taagan yihiin caruurta yar -yar iyo qaysaska tamartayar ee ku dhaqan Puntland, taas oo ay hawl-wadeenada Wasaaradu mar kasta ku hawlan yihiin daryeelida dadkaasi.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in waxbarshada iyo daryeelka caruurta ay mudnaan gaar ah u leedaahay dowladda Puntland, waxaana uu sheegay inay taageeraan ilaa shan kun oo arday

” Wasaaradda waxbarashada waxay xaga tacliinta ka taageertaa ilaa shan kun oo arday haday noqon deeq waxbarasho, ama dugsiyo loo dhiso, waxay kaloo wasaaradu mushar siisaa ilaa 300 boqol oo macalin” ayuu yiri wasiirka Waxbarshada

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo barnaamijka daahfuray ayaa sheegay in ay jiraan caruur yar-yar oo ku dhaqan Puntland kuwaas oo aan haysan wax daryeela loona baahan yahay in loo istaagu sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyinka nololeed ee hortaagan, waxaana uu madaxweynuhu cadeeyey in siyaasada daryeelka dadban ee caruurta dayacan ay Dawladda Puntland ugu tala gashay iyadoo kaa shanaysa waaxda Qaramada midoobey u qaabilsan daryeelida Caruurta wax ka qabasha dhibaatooyinta haysta caruurta ku dhaqan degaanada Punland.

Madaxweynaha ayaa in taasi raaciyey in bulsho ay ku horumarto marka ay dhalaankeeda kobcisho kana dhisto xaga nolosha, aqoonta iyo kor u qaadida maskaxdooda, hadii aysan helina masuuroobayso ayuu yiri in bulshadaasi hesho mustaqbal wanaagsan oo ifaya, waxaana uu shegay madaxweynuhu inay waajib diineed iyo mid dartuurba inagu tahay inaan ilaalino oo daryeelo caruurteena.

“masuuliyada iyo waajibka saaran dawladu waa in ay ilmo walba oo Puntland u dhashay kuna dhashay ay ogaato xaalada uu ku noolyahay iyo waxa uu u baahan yahay, siyaasadanina ay hagayso musuuliyada saaran hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee dawladda Puntland” ayuu yiri yiri madaxweynuhu

Wuxuu sheegay in dawladdu dhowaan hirgelin doonto goobo cusub oo lagu xanaanayn doono caruurtasi kuwa haatan jirana ay ku waajihi doonan siyaasad cad.

Gabagabadii, Munaasabada waxaa kaloo hadalo ka jeediyay Masuuliyiin ka socotay hay`adda Unicef iyo Save-the-children oo dowladda puntland ka caawinaya fulinta siyaasadda daryeelka caruurta dayacan, iyadoo tahay markii u horraysya ee Puntland yeelato siyaasad lagu maamulo caruurta dayacan ee reer Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *