Muqdisho:Ra’isul Wasaare Khayr, Danijirayaal iyo Wakiiladda Midowga Afrika oo Xalay Kulmay

Published: March 26, 2017

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Danjirayaasha wadamada shisheeye u fadhiya Soomaaliya iyo wakiiladda midowga afrika ayaa Xalay la kulmay xarunta Dugsiga tababarka Booliska ee Gen. Kaahiyeee Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kooban oo ra’isul Wasaaruhu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku xusayqabsoomida kullankaasi, hase yeeshee faafhaahin dheeraad ah kama bixin ujeedada kulanka, waxyaabihii looga wadahadlay iyo nuxurka qodobadkii ka soo baxay.

Kulanka oo dhacay xili dambe oo xalay ah, waxay wararku sheegayaan inuu la xiriiray xaaladihii u dambeeyay ee Soomaaliya, Dhismaha xukuumada Cusub ee Soomaaliya iyo guud ahaan gurmadka dadka soomaaliyeed ee abaartu saamaysay

Dhanka kale, Ra`iisul Wasaare Khayre, guddooomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaaji Cabdullahi , Ra`iisul wasaare ku xigeenka iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda magacaban ayaa cisbitaalka Erdogan Ex. Digfeer ku booqaday bukaano ay ka mid yihiin sii hayaha xilka wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda , Abwaan Maxamuud Cabduulahi Ciise Singub ,film qaade Cabdixamiid Karazay oo ka tirsan Tvga Universal iyo hooyadda xildhibaan Cabdifataax Geesay.

Waxaa kalooRa`iisul Wasaaruhu uubooqday fananada wayn ee Soomaaliyed Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ah fananinta hoboladdii qaranka waabari oo qaliin loogu sameeyay xameetidda taas oo ku jirta Isbitaalka Blue Star ee magalaadda Muqdisho.

Ra’isul Wasaaraha oo Booqanay Abwaan Sangub

Gabagabdii,Inkastoo ay xili habeen ah kulmeen Ra’isul Wasaaraha iyo Danjirayaasha haddana Caasimada muqdisho waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ay ka dhacay dilal qorshaysan oo lala beegsanayay Saraakiil, masuuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka banaadir oo ugu dambeeyayXog-hayihii Degmada Wadajir oo rag hubaysan ay toogasho ku dileen.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *