Dowladda Kenya Oo sheegatay Inay Dishay 31 Alshabaab ah-Warsaxafadeed

Published: March 27, 2017

War-saxafadeed ay soo saartay dowladda kenya ayay ku sheegtay in weerar ay ciidamadeedu ku qaadeen xarun ay kooxda Al-shabaab ku lahaayeen degmada Badhaadhe ee jubadda hoose ay ku dileen 31 maleeshiyaadka Al-Shabaab ah.

War saxaafadeed waxaa kaloo lagu sheegay in ciidamadu lugta ee kiiniya oo gacan ka helaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay weerarka fuliyeen, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen 11 qori oo AK-47 ah, afar miino, qalab isgaarsiinta, cunto iyo dharka ciidamada,

Dowladda kiiniya ayaa dhinac kale soo saartay sawirada qaar ka mid ah waxyaabaha qarxa oo ay qabatay , waxayna sheegeen in weerarku uu dhacay maalintii Axada oo bishu ku beegnayd 25 maarso, hase yeeshee weli ma jiro warar ka soo baxay dhinaca al-shabaab iyo ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada dowladda Kiiniya

Gabagabadi, Dowladda Kiiniya waxay isla bishan sheegatay in weerar ay ku qaaday degaan u dhow Af-madow ay ku dishay 57 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab. dowladda kiiniya ayaa ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya bishii october ee sanadkii 2011kii, waxaana haatan magaca Amisom ku jooga 4000 kun oo askari.

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *