Jaaliyada Puntland ee Australia Oo Deeq Lacageed Soo Gaarsiisay Guddiga Gurmadka Abaaraha-Video

Published: March 27, 2017
Sheekh fu’aad Xaaji Nuur, Guddoomiyaha Guddiga gurmadka Abaaraha Puntland

Guddiga gurmadka abaaraha Puntland ee culumadda ayaa aad ugu mahad celiyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Australia oo lacag gaaraysa toddobo kun oo dollar ($7,000) soo gaarsiiyay guddiga.

Sheekh fu’aad Xaaji Nuur, guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Puntland ayaa u mahadceliyay jaaliyadda, gaar ahaan guddoomiyahaSiciid Shiinle, kuxigeenkiisa C/rashiid Qalinle iyo xoghaya horumarinta haweenka maamo Cadar Odawaa, kuwasoo lacagta soo gaarsiiyay guddiga

Sheekh Fu’aad wuxuu sheegay in lacagtan deeqda ay jaaliyadu ugu talagashay inay kaga qaybqaataan gurmadka loo fidinayo dadka ku tabaaloobay abaarta daran ee ku habsatay geyiga soomaaliyeed, gaar ahaan degaamadda Puntland.

“Waxaan ilaahay uga beryayaa jaaliyadda reer Puntland ee Australia baraare adduun iyo aakhiro oo aad janno ku gashaan idiinka iyo samafalayaasha kale ee dadkooda hiil iyo hooba la garab taagan” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur.

Gabagabadii, Guddiga gurmadka Abaaraha ee Culumadda ayaa tan iyo markii la bilaabay gurmadku, waxay gaarsiiyeen dadka abaaruhu saameeyeen in ka badan Todobo kun iyo sideed boqol oo booyadood oo biyo ah oo lacag ahaan u dhiganta todobo boqol iyo sideen kun oo dollar , qoysaska badan oo la gaarsiiyay Raashin, dhar iyo waxyaabaha kale ee Asaasiga ah.

https://youtu.be/7YCJYjAY0xI

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *