Jaaliyada Puntland ee Gobolka Sindh Ee Dalka Bakistan oo Gudoomiye cusub Dooratay-Sawiro

Published: March 27, 2017

Jaaliyadda Reer puntland ee gobolka Sindh ee dalkaasi Bakistaan ayaa doorasho ay ku qabteen magaaladda Karachi waxay ku doorateen guddoomiye cusub oo yeelatay jaaliyaddu ee goblkaasi,

Xaflad balaaran oo si heer sare loo agaasimayay oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Karachi ee koonfurta wadanka Pakistan ayaa lagu qabtay Karachi habeynimadii jimcaha 23/3/2017

Ujeedada Xaflada ayaa aheyd sidii loo dooran lahaa gudoomiyaha shanaad jaaliyada puntland ee ku dhaqan gobolka sindh Pakistan,Waxaa kaloo kasoo qeyb galay sarkaal ka socday qunsuliyada soomalida Karachi gudoomiya jaaliyada soomaaliyeed ee gobolka sindh marti sharaf ardey iyo ganacsato

Qabashada hogaanka jaaliyada puntland ee gobolka sindh waxaa iskusoo taagay laba musharax oo lagu kala magacaabo Shuceyb Axmed Waaberi iyo c/fitaax maxamed Aadan (soldaad) doorashada oo aheyd mid qarsoodi ayaa lagu codeynayey santuuq la dhigay dadka hortooda kaasoo qof walba halkaas codkiisa ku ridayey

Ugu danbeyn gudoomiyaha gudiga qaban qaabada Engineer C/fitaax Xuseen Maxamed ayaa ku dhawaaqay sida lookala helay waxuuna sheegay in C/fitaax Maxamed Adan (soldaad) ku guuleystay inuu noqdo gudoomiyaha shanaad ee jaaliyada puntland ee gobolka sindh iyadoo ay halkaas uu ku aqbalay musharaxa laga guuleystay

Gudoomiyaha jaaliyada soomaliyeed ee gobolka sindh Mr siciid Cabdi kulane Gudoomiyhii hore ee jaaliyada puntland C/raxmaan Faarax Aden ( huruuse) , Axmed Zaki oo ka socday qunsuliyada soomalida Karachi , Mr Nadeem Sagar (president of gulshan soccer ) ayaa si isku mid ah ugu hambalyeeyay gudoomiyaha cusub waxayna urajeyeen shaqo wanaagsan iyo wadajir

Ugu dambeyn gudoomiyihii hore ee jaaliyada Mudane C/raxmaan faarax Aden ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey qaban qaabiyayaashii xaflada iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan jaaliyada kadibna waxuu si rasmi ah xilka ugu wareejiyey gudoomiyaha cusub ee jaaliyada puntland ee sanadka soo socda.

Mursal Mohamud Osman

Karachi Pakistan

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *