Madaxweyne Farmajo oo Mar Kale Ka Codsaday Xildhibaanada Meelmarinta Xukuumadda

Published: March 27, 2017

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamaed C/laahi Faramaajo ayaa markale ugu Baaqay xildhibaanada golaha shacabka inay meelmariyaan gollaha wasiiradda cusub ee uu soo dhisay R/wasaare Xasan Cali Kheyre, maadaama dalku haatan uu ku jiro xaalad adag loona baahanyahay waxqabad iyo isbadal deg deg ah.

Waraysi uu siiyay wakaaladda wararka Sonna kadib Markii uu shalay dib ugu soo Laabtay Muqdisho, ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ka mid yihiin safarkiisii Kiiniya, shirkii IGAD, Balamaddii uu qaaday xiligii uu murashax ahaan, la dagaalanka musuqmaasuqa, Abaaraha iyo la dagaalanka Al-shabaab.

“Hada Xafiiska waxaan joogaa Bil iyo Sideed iyo Cisho, waxaan ku guuleystay aniga oo jooga xafiiska 15-maalmood inaan magacaabo R/wasaare, sidoo Kale R/wasaarauhuna wuxuu ku guuleystay inuu 21-cisho ku soo magacaabo Golihiisa wasiirrada, waxaan Rajaynayaa Xubnaha golaha shacabka inay si deg deg ah u ansixiyaan Golaha wasiirrada cusub.” ayuu yiri Madaxweynaha JF Soomaaliya.

wuxuusheegay inaysan macquul ahayn inuu iska sii socdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo loo baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro oo laga guuleysto maleeshiyada Al-Shabaab.

dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuusheegay muhiimadaha ugu horeeya dowladda inay tahay la dagaalka Musuq-maasuqa iyo Hufnaanta maamulka, isagoo tilmaamay in Musuqu uu yahay Kansar dilaa ah oo dowladaha baabi`iya.

Mudane Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaal badan loo galayo in Soomaaliya ay safka hore ka gasho dowladaha ku caan baxaya la dagaalka Musuqa iyo hufnaanta maamulka iyo dowlad wanaaga.

Gabagabadii,Madaxweyne Farmaajo wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay aaminaan dowladooda, si dalku uu la tartamo dunida kale ee hormartay ee waxqabsiga ku caan baxday.

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *