Madaxweyne Gaas: Nabadoonada Nugaal Waa Hormuudka iyo Hogaanka Nabada

Published: March 27, 2017

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa ku ammaanay nabadoonada iy cuqaasha gobolka nugaal sida ay markasta uga shaqeeyaan ilaalinta iyo Xasiloonida gobolka, ka dib markii uu xalay kullan kula yeeshay xarunta madaxtooyadda Puntland ee Garoowe

kulankan oo ay ka qaybgaleen inta badan nabadoonadda gobolka Nugaal, waxaa lagaga arrin sanayey arrimo Laxiriira Amaanka gobolka, isxog waraysi iyo sidii ay wadashaqaynta u dhexeysey Dawladda iyo Nabadoonada gobolkasi loo xoojin lahaa.

” Nabadoonada, cuqaasha iyo waxgaradka gobolku waa hormuudka iyo hogaanka guud ahaan Dawladda iyo gaarhaan Gobolka Nugaal, lagama-maarmo in talo wadaag lala sameeyo si wax walba oo soo kordha loogu xaliyo si nabada ah” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Dhinaca kale, Nabadoona, Cuqaasha iyo waxgaraka gobolka Nugaal ayaa dhankooda shaagay inay diyaar u yihiin wada shaqaynta dhaw ee ay la leeyihiin dawladda taas oo ay ku jiro masiirka ummada Puntland, isla mar’ahantaana waxa ay balan qaadeen inay sii dardar gelindoonaan isu garabsiga caqabad walba oo timaada xalinteeda, si aanay Puntland uga hakan dhabada horumarka ee ay cagta saartay.

Gabagabadii, Madaxweynaha Dawladda Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Nabadoona inay markasta u heelanadaan meel marinta iyo ka meel gaarida wax kasta oo dan u ah Amniga iyo horumarka Caasimadda oo ay kow ka tahay nabada, xasiloonida, kala danbaynta ay ku caanbaxday Puntland, isla markaana ay taasi ku jirto sharafta iyo karaamada shacabka Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *