Madaxweyne Gaas oo Ka Tacsiyeeyay Saddex Sarkaal Oo Shil Gaari Ku Geeriyoodey.

Published: March 27, 2017

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay saddex sarkaal oo ka tirsnaa Ciidamadda qalabka ee Soomaaliyeed ee Puntland, kuwasoo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay degaanka libaaxo ee degmadda Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Alle Ha u naxariistee Saddex sarkaal ayaa kala ahaa Taliye K/xigeenkii hoggaanka ilaalinta cashuuraha Gashaanle dhexe Cawed Cabdiraxmaan, gashaanle dhexe Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ahaa kaaliyiha maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Gashaanle dhexe Siciid Jaamuus, lataliyaha Qaramada midoobay ee arrimaha ciidanka asluubta, kana tirsanaa ciidanka Daraawiishta Puntland.

” Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku hadlaya afka goleyaasha dowladda Puntland iyo kan shacabka wuxuu tiiraayada la wadagayaa, ugana tacsiyaynayaa taliska ciidamadda qalabka sida ee DPL, shacabka puntland, eheladii, qarabaadii, asxaabtii iyo qoyskii ay ka baxeen saddexda sarkaal oo ku geeroyoodey shil gaar oo galabta ka dhacay degaanka libaaxo oo ka tirsan degmada dangoroyo ee gobolka Nugaal” ayaa lagu yiri warsaxafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Puntland.

Gabagabadii, Madaxweynuhu wuxuu ilaahay uga beryay inuu naxariiso, dembigoodana dhaafo, samir iyo iimaan alle ka siiyo eheladii, qoyskii iyo qarabadii ay ka baxeen iyo dhammaan shacabka Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *