Mosul: Diyaaradaha Maraykanka oo dilay in ka badan 80 qof oo rayid ah

Published: March 27, 2017

Waxaa baaritaan lagu wadaa duqeynmo ay diyaaradaha Maraykanka todobaadkii hore ka geystaan Galbeedka magaalada Mosul ee dalka Ciraaq.

Magaalada Mosul oo ay dagaal xoogleh ka socdaan ayaa waxaa lala beegsaday duqeynmo dhanka cirka ah oo la sheegay in tirada dhimashada ay gaareyso in ka badan 80 qof, halka saraakiil kale ay sheegayaan dadka dhintay inay ka badan yihiin 100 qof oo ay ku jiraan caruur aad u da`a yar.

Warar dheeraad ah oo kasoo baxay duqeyntan dadka badan ku dhinteen ee magaalada Mosul ayaa la sheegaya in diyaaradaha Maraykanka ay duqeeyeen gaari weyn oo ay kooxda Daacish soo saartay bambaano oo la doonayey in lagu weeraro ciidamada Ciraaq ee dhulka ka dagaalamaya.

Kadib duqeyntii diyaaradaha ee gaarigaasi ayaa la sheegay inuu keenay qarax xoog badan oo dhulka la simay guryo badan oo ay ku jireen qoysas kamid ah shacabka ku xaniban magaaladaasi.

Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay in kooxda Daacish ay ku khasabtay shacabka inay sii joogaan goobaha dagaalada ka socdaan taasina ay sare usii qaadi karto khasaaraha dadka rayidka ah soo gaaraya.

Sidoo kale Taliska Maraykanka ee gacanta siinaya ciidamada Ciraaq ayaa sheegay inay ka xun yihiin wixii khasaaro ah oo soo gaara shacabka isla markaana aysan marnaba iyagu bartilmaamsan dadka dhintay, walow ay sheegeen in codsiga duqeynta ay tahay mid ka timid dhinaca ciidamada dhulka ka dagaalamaya ee Xukuumada Ciraaq.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *