Syria: Isbaheysiga Kurdida & Carabta oo Daacish ka qabsaday saldhig muhiim ah

Published: March 27, 2017

Ciidamada la baxay SDF ee ka kooban Kurdida iyo dagaalyahanada Carabta dalkaasi Siiriya ayaa kooxda Daacish ka saaray Saldhiga Ciidamada Cirka ee ku yaal duleedka magaalada Raqqa.

Saldhigan Tabqa ayey xoogaga Daacish la wareegeen bishii Agoosto 2014, waxayna ISIS xiligaasi saldhigaasi ku dishay askar ka badan 200 kamid ah ciidamada Dowlada Bashar Al Assad.

Tabqa Air Base ayaa dhinaca Galbeedka 45km u jira magaalada Raqqa ee xarunta u ah Daacishta Siiriya, guushan isbaheysiga SDF ayaa dhabar jab weyn u ah xoogaga ISIS ee difaacaya magaalada Raqqa oo hada lagu hareeraysan yahay.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey diyaaradaha Maraykanka oo gacan siinaya isbaheysiga SDF ay qaar kamid ah Dagaalyahanadaasi diyaarado ku qaaday kana dajiyey nawaaxiga saldhiga Tabqa si ay u dhabar jabiyaan xoogaga Daacish ee difaaca uga jiray Saldhigaasi oo ugu danbeyntii ISIS laga saaray Axadii shalay.

Dagaalka ka socda nawaaxiga magaalada Raqqa ayaa ah mid horudhac u ah duulaanka la qorsheenayo in ISIS looga saaro magaalada Raqqa oo ay ku tilmaamaan caasimadooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *