UK: Xukuumada oo carada weerarkii London kala duldhacday shirkada WhatsApp!

Published: March 27, 2017

Dowlada Ingiriiska ayaa ku baaqday shirkada WhatsApp inay wax ka bedasho adeegeeda kadib markii ay cadaatay in ninkii weerarka ku qaaday xarunta Baarlamaanka Westminster uu istimaalayey shabakada fariimaha la isku dhaafsado ee WhatsApp.

Shirkada WhatsApp ayaa si adag u xirta fariimaha la isugu diro shabakadeeda taasi oo ka horjoogsata Sirdoonka inay akhristaan fariimaha halkaasi la isku dhaafsado, arrintan oo ay dowlada UK sheegtay inay gabaad ka dhigtaan kooxaha xagjirka ah.

Telefoonka ninkii geystay weerarkii Arbacadii lasoo dhaafay ayaa laga helay fariimo uu diray kahor intuusan geysan weerarkaasi.

Ciidamada Amaanka ee UK ayaa illaa iyo hada xiray 12 qof, shaqsigii ugu danbeeyey ee lala xariirinayo ninkaasi weerarka geystay ayaa xalay lagu xiray magaalada Birmingham. Waxaase maalmihii lasoo dhaafay lasii daayey 9 qof oo kamid ah dadkii lagu qabtay hawlgalada weli socda.

Sirdoonka UK ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uusan xiriir toos ah lalaheyn kooxda Daacish oo iyadu weerarkaasi sheegatay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *