Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland oo Soo Bandhigay Liiska Lacagaha Soo Gaaray Bishan-Video.

Published: March 28, 2017

Guddiga gurmadka Abaaraha Puntland ee Culumadda ayaa magaaladda ku soo bandhigay liiska lacagaha deeqda ee soo gaartay guddiga iyo magacyada shirkadaha iyo shakhsiyaadka ku deeqay laga soo bilaabo 17kii bishan Maarso 2017ka.

Sheekh fu’aad Xaaji nuur oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Bosaso, wuxuu sheegay in muddo tobon maalmood gudahood ay guddiga soo gaareen lacaga gaaraysa lixdan iyo sideed kun oo dollar oo ku deeqeen dadka Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku nool.

“guddiga gurmadka abaaraha eekiiniya oo masuul ka yahay sheekh Maxamed Umal waxaana naga soo gaaraylabaatan kun oo Dollar, iyogoo hore u soo direen afartan kun oo dollar, waxaa kaloo deeqo lacageed laga soo diray wadamada finland, ingiriiska, Koonfurta Afrika, Zambia, Germany, Maraykanka iyo Wadamo kale oo caalamka ah iyo dalka gudihiisa” ayuu sheekh Fu’aad Xaaji Nuur

https://youtu.be/yfTdzNU5HDs

Liiska Lacagaha Soo Gaaray Guddiga.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *