Madaxweynaha Hirshabelle oo Ku Hanjabay Inuu Dib-u-Qiimaynayo Xiriirka Dowldda Federaalka.

Published: March 28, 2017

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay faragalinayso maamulkiisa, waxaana uu dalbaday in loola macaamilo sida loola dhaqmo maamulada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed

Madaxweynaha oo ay weheliyaan qaar ka mid ah wasiiradiisa oo shir jaraa`id ku qabtay magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan , wuxuu si gaar ah u eedeeyay Xogheyaha Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha oo sheegay inuu rabo awoodo dheeraad ah.

“runtii waxaa ii muuqda culeyso aad u weyn, isla shaqeyn la`aan in ay jirto, is aqoonsi la`aan in ay jirto waxaa daliil u ah dhacdooyin badan oo dhacayey waayadan” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

” waxaan ognahay in maamul kasta oo caqabado badan ayuu la kulmaa, xamar waxaa ka jira hay`ado dowladda federaalka ah kuwaas oo marar badan ay dhibeyso in nidaamkii federaalka ahaa ay aqoonsadaan, kulana shaqeeyaan dowlad goboleedyada”

wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay maalmulkiisa ka qaybgalin shirar badan oo ka dhacay magaaladda muqdisho oo looga hadlayay xuduudaha iyo shir kale oo looga hadlayay xasillinta nidaamka dowladnimada iyo maamullada degmooyinka.

“mar haddii shirkii xuduudaha looga hadlayey ee xasaasiga ahaa, nagala qariyay, balse shacabka iyo caalamkaba loo sheegay in aan ka qeybgalnay raallina ka nahay wixii howl ah ee meeshaas ka socda, ujeedka in uu yahay in loo soo socdo kheyraadka ay leedahay Horshabeelle, oo ay u horreeyaan dekadda Ceel Macaan, oo ay u horreyaan garoonka diyaaradaha ee Cisiley, sababta kale oo keeni karta ma jirto shirka xuduudaha in ay ka maqnaato Hirshabeelle”

Wuxuu tilmaamay in uu marar badan uu maqalay in la doonayo in dekeda Ceel-Macaan iyo Garoonka Cisiley in xamar la soo raaciyo, wuxuu ku hajabay in uu dib u qiimeyno calaaqaadka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah.

Gees kale, mar uu ka hadlayay Madaxweyne cosoble kullamo uu la yeeshay madaxweynaha iyo Ra`isul Wasaaraha dowladda federaalka, wuxuu sheegay inay u ballanqaadeen in dowladda dhexe ay la shaqayn doonto maamulkiisa, hase yeeshee ballanqaadyadaasi waxba ka hirgalin ayuu yiri

“Waxaa ay duruufta qasbi doontaa marka dambana in aan go`aanno qaadano, in aan dhahno caalamka ayaa toos ula xiriireynaa, in aan cabashooyinkeena UN, IGAD meelahaa la aadno, Yaan nala gaarsiinin” ayuu yiri.

Gabagabadii, Dowlad goboleedka Hirshabelle oo la dhisay Dhammaadkii sanadkii hore, islamarkaana lagu doortay Madaxweyne Cosoble ayaa dadka dhaliila qaabkii loo dhisay maamulkaasi waxay tilmaameen in dowladihii hore ee Xasan Shiikh ay si deg deg ah u dhistay,iyagoo ka lahaa dano siyaasadeed iyo mid doorasho, iyagoo kharash badan ku bixin jiray, taasi oo hadda meesha ka baxday tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *