Madaxweyne Gaas oo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Caalamiga

Published: March 28, 2017

Burhaan Cilmi Xasan oo ka tirsanaa guddigii doorashadda dadban ee heer federaal ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada ee xiriirka Caalamiga ee Puntland, waxaana lagu magacaabay Digreeto ka soo baxaday Xafiiska Madaxweynaha Puntland .

Wasiiru Dowlaha cusub ayaa isla maanta waxaa loodhaariyey xilkaasi waxaana goobjoog ahaa munaasibada dhaarinta Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kula dardaarmay inuu shaqadiisa si daacad ah u guto kana fogaado wax walba oo ku keeni kara in gaabis ku yimaado shaqada loo igmaday.

”waxaad qaaday masuuliyad culus taas oo aad u qaaday dhammaan shacabka Puntland, waxaana lagaa rabaa inaad waajibaad kaaga siduu yahay u gudatid, adigoo ka fogaanaya wax walba oo shaqadada ku keenaya gaabis” ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

Gabagabadii, Wasiir Burhaan oo ka soo jeeda gobolka Sool ee Puntland ayaa hore u soo noqday wasiir k/xigeenkii wasaaradda degaanka iyo duurjoogta, waxaa kaloo uu ka mid noqday xubnihii guddiga doorashadda dadban ee heer federaal, waxaana uu guddiga u qaabilsanaa doorashadii barlamaanka ee ka socday caasimadda Garoowe.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *