Roobab ka curtay gobolada Bay iyo Bakool

Published: March 28, 2017

Wararka aynu ka heleyno deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in uu ka curtay roobabka gu`ga.

Roobabkada`ay ayaa la sheegayaa in aysan ahayn kuwa xooggan balse warar dheeraad ah oo aynu ka helnay goboladaasi ayaa sheegaya in dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen.

Dhulka roobabka uu ka da`ay ayaa ka mid ah meelaha ay abaartu saamaysay, isla markaana xaaladd caafimaad darro oo abaarta ka dhalatay ay dadka iyo xoolahaba saameeyeen.

Gobolada By iyo Bakool ayaa ka mid ah gobolada ugu daran eeabaartu saameysay, waxaan gaajo iyo haraad ugu dhintay dad iyo xoolo badan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *