Shirka Jaamacada Carabta oo Urdun Ka furmaya iyo Madaxweyne Farmajo oo Ka Qaybgalaya.

Published: March 28, 2017

Shir madaxeedka 28aad ee jaamacada carabta ayaa lagu wadaa in maalinta beri uu ka furmo magaaladda Camaan ee xarunta wadanka Urdun, waxaana ka qaybgalaya hoggaamiyayaal carbeed oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Qodobada lagu falaqayn doono shirweynaha waxaa ka mid ah arrimaha Falastiin, degaamaynta yuhuuda ee dhulka falastiin, ammaanka biyaha wadamada Carabta, waxaa kaloo lagaga hadli doonaa xaaladihii u dambeeyay ee wadamada Ciraaq, Siiriya, Liibiya, Yemen iyo abaaraha saameeyay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la filayaa inuu u duulo magaaladda Camaan, halkaasi oo uu ku biiri doono boqorka Sucuudiga Boqorka Urdun Cabdullaahi, Salman bin-Cabdicasiis, MadaxweynahaMasar Cabdicasiis Sisi iyo madaxda kale ee wadamada kale ee carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda carabta uga warbixin doono xaaladihii u dambeeyay ee Soomaaliya, abaaraha ba`an ee dadka iyo duunyada saameeyeen, waxaana la filayaa inuu taageero dhaqaale iyo siyaasadeed uu uga helo dowladiisa Cusub.

Dhinaca kale, Kullanka hordhaca ee gollaha wasiirada Carabta oo hadda ka socda Hotel Kempinski ee Cumaan, kaasi oo lagu diyaarinayo ajendaha kullanka beri ayaa sidoo kale laga hadlay dagaalka ka dhanka ah waxay ugu yeereen argagixisada iyo guud ahaan amniga mandaqada.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *