Xarunta caafimaadka ee Shaafici oo keentay qalab caafimaad oo casri ah-Sawiro

Published: March 28, 2017

Xarunta cafimaad ee Shaafici ayaa soo bandhigtay qalab caafimaad oo casri ah kaasi oo Lagu oganayo cudurada guud

Qalabkaasi xaafimaad ayaa lagu soo bandhigay magalaada Bosaso kadib munaasabad ballaaran

Waxaa ka soo qeyb galay xadladda dhakhatiirta ja howl gasha magaalada Bosaso, maamulka gobalka Bari, madaxda rugta ganacsiga Puntland, Iyo mas’uuliyiin Kale.

Dr. Ismaciil Shaafici io ah xarunta Shaafici ayaa Sharaxaya qalabkan ay soo kordhiyeen isagoona ku tilmaamay qalabkan mid wax weyn u tari doona bulshada Soomaliyeed gaar ahan shacabka Puntland muddane ay ku howlanayeen sidii ay u keeni lahyeen qalab waxtar u leh bulshada Reer Puntland.

Sheikh Fu’aad Xaaji Nuur gudomiyaha guddiga abaaraha Puntland ayaa dhakhaatiirta ugu baaqay inay tagaan deegaanada dadka abaartu Saameysay Ku nool yihiin waxaana uu sheegay in xiligan ay soo korortay xaalada caafimad darro loona baahan yahay in gurmad caafimad La helo.

Dr. Ismaaciil Rooble iyo Dr. Maxamed Siciid oo ku hadlayay magaca Dhakhatiirta Puntland ayaa Sheegay inay soo dhaweynayaan qalabkan xiligana baahi weyn loo qabay ee xarunta Shaafici soo kordhisay .

Dr. Xeyd oo hadlayay Magaca Xarumaha Cafimaad ee Bosaso Waxa uu dhakhaatiirta ugu baaqay In qalabka caafimaad la keeno si looga baxo baahida loo qabo qalab tayeysan oo markiiba Jawaab bixin kara.

Gudoomiye Ku Xigeenka gobalka Bari Axmed Cali Cabdillaahi Cirro waxa u Shegay Inay Garab Tagan yihiin dhakhatiirta loona baahan yahay in dhakhatiirtii ku shaqan lahad alabkan iyagna lahelo.

Xarunta caafimaadka ee Shaafici Group waxay ka mid tahay xarumaha caafimaad ee Bosaso wanaa xarunta keenta daawoyinka Bosaso.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *