UK: Raysalwasaare May oo si rasmi ah u saxiixday ka bixitaanka EU-da

Published: March 29, 2017

Raysalwasaaraha Ingiriiska Mrs.Theresa May ayaa saaka saxiixday Dikareetada uu dalkaasi uga bixi doono Midowga Yurub.

Qoraalkan ayaa maanta gelinka danbe loo gudbin doonaa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk oo ku sugan xarunta EU-da ee Brussels. Mrs.May ayaa sidoo kale maanta hortagi doonta Baarlamaanka si ay faah faahin uga bixiso qaabka ay u wajaheyso wadahadalka lala galayo Midowga Yurub.

Aftidii la qaaday bishii June ee sanadkii hore 2016 ayey inta badan shacabka Britain u codeeyeen inay isaga baxaan Midowga Yurub, waxaana bilihii lasoo dhaafay arrintan ay hortaalay Golayaasha Baarlamaanka oo iyaguna ugu danbeyntii kadib dood dheer ansixiyey.

Mar hadii hogaanka dalka UK saxiixo ka bixitaanka Midowga Yurub ee qodobka 50aad ayaa waxaa u bilaabaneysa 2 sano oo la doonayo in lagu soo afjaro gorgortanka dhexmari doona Midowga Yurub iyo UK qaabka ay u kala baxayaan.

Midowga Yurub ayaa doonaya in dalka UK uu bixiyo dhamaan Deynmaha lagu leeyahay kahor intuusan ka bixin EU-da, halka UK ay dooneyso in ay heshiis iskaashi la gasho Midowga Yurub si aan hoos u dhac dhaqaale uga imaan markay ka baxaan suuqa guud ee EU-da.

Wax-soo-saarka dalka Britain ayaa 55% loo suuq geeyaan dalalka kale ee EU-da.

Dalalka France iyo Germany oo iyagu ahaa aasaasayaasha Midowga Yurub ayaa sanadkii 1969kii uu ogolaaday UK inay kusoo biirto, waxaana xusid muddan in kahor wakhtigaasi Madaxweynihii hore ee France Charles de Gaulle uu laba jeer hor istaagay in UK lagu soo daro EU-da. Wuxuuna dalka Britain si rasmi ah EU-da ugu biiray sanadkii 1973dii. Ka bixitaankan hada ee Britain ayaa ah mid si weyn uga careysiiyey dalalkii horey heshiisyada ulla galay.

Madaxda Midowga Yurub ayaa doonaya inaysan wax debecsanaan ah u muujin dalka Ingiriiska ee ka baxay heshiiskii EU-da, si looga hortago in dalal kale ay wadadaasi qaadaan. Waxayna diidan yihiin inay wax heshiis horudhac ah lasii galaan UK inta aysan ka bixin suuqa iyo heshiisyada canshuur dhaafka ah ee horey uga dhaxeeyey Midowga Yurub.

Scotland & Nothern Ireland
Ismaamulka Scotland oo kamid ah dalka Britain ayaa isagu diidan inay ka baxaan Midowga Yurub, wuxuuna Baarlamaanka maamulka Scotland uu Salaasadii shalay ansixiyey in markale afti loo qaado in dalkaasi uu ka goosto Britain.

Codeyntii ka dhacday Baarlamaanka Scotland ayey 69 Xildhibaan taageereen in afti loo qaado ka bixitaanka Britain halka ay kasoo horjeesteen 59 Xildhibaan. Ansixintan ayaa awood hada u siineysa Maamulka Scotland inuu soo diyaariyo afti horleh oo laga qaadayo Shacabkooda.

Arrintan ayey kasoo horjeedaa xukuumada Ingiriiska oo sheegtay inaysan Scotland gorgortan la geli doonin illaa inta laga soo afjarayo wadahadalka hada u bilaabanaya Britain iyo Midowga Yurub.

Aftidii la qaaday sanadkii hore ayey shacabka Scotland 62% u codeeyeen inay kasii mid ahaadaan EU-da. Sidoo kale shacabka ku nool dhulka Northern Ireland ayaa iyaguna 55 % taageereen kasii mid ahaanshaha Midowga Yurub. Labadaasi ismaamul ayaa dhaqaalahooda si weyn ugu xiran yahay dalalka kale ee Midowga Yurub, waxayna ka helaan EU-da mashaariic badan.

Wadahadaladan ayaa noqon doona kuwo wakhti dheer socda maadaama ay isku xiran yihiin sharuuc badan ee Britain iyo EU-da maadaama dalkaasi uu xubin kasoo ahaa Midowga Yurub, 44tii sano ee lasoo dhaafay.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *