Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatey Boqorka Urdun

Published: March 30, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa kulan gaar ah la qaatey Boqorka dalka Urdun Boqor Abdullah II bin Al-Hussein, shirka labada hoggaamiye ayaa daba socdey kadib shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta oo looga hadlay arrimaha Carabta iyo la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Boqorka Urdun ayaa meel isla dhigay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka saaxibtinimo ee labada dal, sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa ka dalbadey Boqor Cabdalla in uu ka qeyb qaadato arrimaha gurmadka abaaraha.

Boqor Cabdallaha labaad ayaa sheegay in uu soo dhaweynaayo isbeddelkii Soomaaliya dalkiisuna si dhaw ula shaqeynaayo Dowladda cusub ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Boqorka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta uu u sameeyay Boqorka, waxaana uu xusay in Urdun iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal oo cilaaqaad soo jireen ka dhaxeeyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *