Maxkamad go’aaminseysa in la xiro Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed

Published: March 30, 2017

Madaxweynihii xilka laga cayriyey ee Kuuriyada Koonfureed Park Geun-Hye ayaa hortagtey Maxkamadda si go’aan looga garo in la xabsi la geeyo iyo in kale, kadib markii lagu eedeyey Musuqmaasuq iyo awoodda oo si khaldan ay u isticmaashey.

Maxkamadda ayaa dhegaysanaysa dacwadda la xiriirta in Park Geun-Hye ay muteysatey xabsi. Iyadu waxay diidan tahay dacwadaha lagu soo oogey kuwaas oo horey xilkeedi ay ku weydey.

Boqolaal taageerayaasheeda kamid ah ayaa is hordhoobey gurigeeda markii ay ka soo abxdey iyada oo ku jeeda maxkamadda looga yeeray.

Park Geun-Hye oo ahayd haweeneydii u horeysey ee Madaxweyne ka noqota Kuuriyada Koonfureed ayaa noqotey Hoggaamiyihii u horeeyey ee la soo doortey ee xilka laga cayriyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *