Ra’iisul Wasaare Khayre oo Casho Sharaf Mahadcelin ah u sameeyey Xildhibaanada Kalsoonida Siiyay-Sawiro

Published: March 30, 2017

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xaflad Casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee codka kalsoonida siiyay xukuumadiisa,

Ra’isul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, isagoo ka dalbaday wada shaqeyn dhex Marta labada Hay’adood ee fulinta iyo sharci dajinta, isagooku dheeraaaday muhiimadda ay leedahay in ay isku xirnaadaan hay’adaha Dawladda si dalka wadajir loogu gaarsiiyo horumar iyo isla xisaabtan dhab ah oo dhex mara.

kullanka Casho sharafta oo uu ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale, ayaa la sheegayaa inay ka maqnaayeen xunbnihii shalay diiday inay u codeeyaan gollaha wasiiradda ee Ra’isul Wasaare Khayre.

Gabagabdii, Barlamaanka Federaalka ayaa shalay cod aqlabiyad ku meelmariyay gollaha xukuumadda ee Ra;isul Wasaare khayre, waxaana u codeeyay 224 xildhibaan, halka 15 xildhibaan ay diideen, labo xildhibaana ayaa ka aamusay.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *