Taliska Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Dad Lagala Baxay Xubnaha Jirka.

Published: March 30, 2017

Iyadoo ay warbaahinta qaarkood iyo baraha bulshada lagu faafiyay in dad reer Somaliland lagala xubnaha jirkooda, ayaa Taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan wuxuu sheegay inaysan waxba ka jirin arrimahaasi, sidoo kalena ayan jirin kiisa la xiriira dhacdooyinka oo booliisku gacanta ku hayaan

wuxuu xaqiijiyay in saldhigyadda booliska hargaysa ay soo gaareen 12 dacwo, hase yeeshee baaritaan ka dib ay afar ka mid ah kiisaskaasi loo yaho dad kale duwan oo la tuhun sanyahay.

“Waxaan dadweynaha u cadaynaynaa haba yaraatee inaysan jirin cid lagala baxay xubnaha jirka ama kiis la xariira arrintaas oo dhacay. Waxaan warbaahinta ilaa xalay ka arkaayay sawirro iyo warar sheegaya in la qabtay Tallaagad ay ku jiraan xubnaha jirka Aadanuhu, taasoo aysan waxba ka jirin” ayuu yiri taliyuhu, isagoo ka digay in la faafiyo warar aan xaqiiqo, taasi oo uu sheegay inay ka dhalan karto ciqaab.

Gabagabadii, Maalmihii la soo dhaafay, baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland ayaa qorayay dad la afduubay, kadibna kelyahan, beerka iyo xubno kale oo muhiim ee jirka laga baxay, mana jirto cid si madaxbanaan u xaqiijinaysa wararkaasi.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *