Trump oo gabadhiisa Ivanka u magacaabey la-taliyhiisa

Published: March 30, 2017

War ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo ayaa sheegay in si rasmi ah Ivanka Trump loogu magacaabey la-taliyaha Madaxweynaha.

Gabadha uu dhalay Madaxweyne Donald Trump ayaa warar ay qoreen todobaadkii hore warbaahinta Maraykanku sheegeen in xafiis ay ku yeelatey Aqalka Cad. Trump ayaa horey ninka qaba gabadhiisa Ivanka oo lagu magacaabo Jared Kushner u magacaabey la-taliyhiisa sare, tan ayaa ka dhigeysa labadooduba ay shaqaale ka yihiin Aqalka Cad.

Shaqada cusub ee ay qabanayso Ivanka ayaan wax mushahar ah lagu siineyn sida lagu sheegay warka ka soo baxay Aqalka Cad.

Tan iyo markii uu Aqalka Cad la wareegay Donald Trump ayaa gabadhiisa weyn ee Ivanka ahayd mid si rasmi ah uga qaybqaada inta badan shirarka Aqalka Cad xitaa waxay wax ka qaabishey wufuuda caalamiga ah ee Aabaheed kulamada la qaadanayey sida kulankii raysalwasaaraha kanada, kan Japan iyo weliba Angela Marke, sida ay qortey Politico waxay awood u leedahay in ay wax ka ogaato macluumaadka sirta ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *