Japan oo markale Maraakiib ciidan usoo dirtay xeebaha Soomaaliya – VIDEO

Published: March 31, 2017

Dowlada Japan ayaa markale ciidamo iyo maraakiib dagaal usoo dirtay xeebaha Soomaaliya.

Hawlagaladan ayaa qeyb ka ah mashruuca la dagaalanka Burcad badeeda, todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa si weyn loo hadal hayey dib usoo noqoshada kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee qaafaasha Maraakiibta maraya biyaha caalamiga ah iyo xeebaha Soomaaliya.

Japan ayaa kamid ah dalalka dhaqaalaha siiya maamulada ka jira dalka Soomaaliya, waxayna horey sidan oo kale ciidamo iyo maraakiib dagaal ugu soo direen gacanka cadan, wallow inta badan ciidamada caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay u badan yihiin kuwa dalalka EU-da ee qeybta ah NATO.

Kooxaha Soomailda qafaalata maraakiibta ayaa hoos u dhacay tan iyo sanadkii 2014, balse xiligan ayaa laga cabsi qabaa inay dib u soo noqdaan maadaama ay xeebaha Soomaaliya kusoo bateen Maraakiibta jariifka ah ee qaata khayraadka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ruqsado ka heysta maamulada dalka ka jira.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *