Maraykanka oo Xabsi Ku Xukumey Haween Ku Eedeysnaa Taageerada Al-Shabaab

Published: March 31, 2017

Muna Cismaan Jaamac oo 36 jir ah, deggana magaalada Reston ee gobolka Virginia, iyo Hinda Osman Dhirane, oo ah 46 jir, degan, Washington, ayaa lagu xukumay maanta 12 sano iyo 11 sano siday u kala horreeyaan. Jama iyo Dhirane ayaa lagu helay dambi ah inay dhaqaale ku taageeri jireen ururka mayalka adag ee al-Shabaab, kaas oo dalka Maraykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso oo ajnabi ah.

Sida laga soo xigtay waraaqaha maxkamadda, Muna iyo Hinda waxay lacag ku maalgeliyeen kooxo ka tirsan al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana lacagta lagu hagaajin jirey magaalada Hargeysa lacagtaas oo lagu maal gelin jrey kooxda al-Shabaab ee ku sugan buuraha Galgala ama Sil-silada Golis, sidoo kale lcagta ayaa lagu hagaajin jirey magaalada Nayroobi si loogu kireeyo guryo ay ku badbaadaan kuwa ka tirsan al.Shabaab hubkana loogu qariyo, sida lagu yiri war lagu daabacay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka kadib xukunka Maxkamadda.

Maxkamadda ayaa lagu soo bandhigey magaca kooxdan ay isticmaali jirtey oo ahayd The Group of Fifteen, waxaana la soo bandhigey cajalado muujinaya xiriirka haweenkan la eedeeyey iyo al-Shabaab sida lagu sheegay war ka soo abxay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka.

Dacwadda labadan haweenka ah ee Muna iyo Hinda ayaa soo bilaamatey sanadkii 2016, markaas oo maxkamaddu ku heshey denbiga.

Horey ayaa maxkamaddo ku yaala dalka Maraykanku ay xukuno ku rideen dad Soomaali ah oo deganaa Maraykanka kuwaas oo lagu eedeeyey taageerada ay siiyeen al-Shabaab iyo ururo kale oo argagixiso ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *