Turkiga iyo Maraykanka oo ka wadahadlay iskaashigooda – VIDEO

Published: March 31, 2017

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Ankara ayaa xukuumada Turkiga kala hadlay xiriirka labada dal oo muddooyinkii danbe soo xumaanayey.

Qodobada ugu muhiimsan oo kulamadan looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa taageerada Maraykanka ka doonayo Turkiga inuu ka qeyb qaato qorshahooda ku aadan dagaalada ka socda wadanka Siiriya iyo la dagaalanka Daacish.

Turkiga ayaa dhankiisa kasoo horjeeda taageerada militari oo uu Maraykanka siiyey kurdida Siiriya kuwaasi oo ay u arkaan kuwo khatar ku ah amnigooda, sidoo kale xukuumada Ankara ayaa ka codsatay Maraykanka inuu xabsiga dhigo Wadaadka Turkiga ah ee Gullen ee ku nool wadanka Maraykanka, wadaadkaasi oo ay dowlada Turkiga ku eedaysay Inqilaabkii militari ee fashilay.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *