golis

Camey oo ka hadlay dooda ka dhalatay Koox Diimeedka Saaciduun Bil Xaq – VIDEO

ka dib markii toddobaadkan ay caasimadda Garoowe kulan furan ku yeesheen guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne iyo Taliyaha la Dagaalanka Argagixisada Gen Muxiyadii Axmed iyo xubno ka socday Koox Diimeedka Saaciduun Bil-xaq, ayaa kullankaasi waxaa si adag uga hadlay Madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, isagoo  caddeeyay in xukuumadu ay weli ku taagan tahay go’aankii lagu mamnuucay Kooxdaas

Shir jaraa’id oo madaxweyne Kuxigeenku uu qabtay Garoowe oo ku weheliyeen Wasiirka amniga Puntland, Wasiirka Howlaha guud, Taliyaha guud ee  Ciidamada Dowladda Puntland ayuu mar kale ku celiyay in ururkaasi uu mamnuuc ka yahay Puntland, isagoo ummadana uga digay khatarta kooxdaas

“ waxaa moodaa shaki iyo muhmal waxaa galiyay guddoomiyaha gobolka nugaal iyo jenenka, oo ka hadlay arrintaa iyada ah, taasi waxay keentay fasiraad khaldan oo saxaafadda bulshadda ay arrintaas aad uga hadlo, xataa ay shaki galisay dowladihii xubnaha ka ahaa dowladda federaalka iyo dowladda federaalka laftigeeda oo leeyihiin Puntland bahasha mangaga baxday, waa maxay waanwaatani” ayuu yiri madaxweyne K/xigeenku

Wuxuu sheegay in mowqifka Puntland  uu yahay in ay toosh ku ifiso kooxdaasi, degaamadda Puntland uu xaaran ka yahay, dowladuna ay waajibkeeda gudan doonto

‘’  waxaana u cadaynaynaa ummadda Soomaliyeed una sheegaynaa urrurkaasi inuu xaaraan yahay, Puntland xaraan kahay, arlo Soomaaliyeed-na xaaraan kayahay wax alaale iyo wixii waajibaada oo laga qaadan karayona laga qaato, culumadu doorkooda waa qateen dawladduna doorkoodu waa qadanayaan, hadii shaki jirey oo qalad ka dhacay masuuliyiin ka tisan dawladda waa saxnay siyaasada iyo mawqifka dawladduna waa cadyahay’ ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Dhinac kale, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faroweyne ayaa sheegay in ka hor  fulintii go’aankii xukuumadda ee qabqabashada xubnaha kooxdan ay u muuqatay in marka hore la kulmaan, kadibna ogaadaan fikirka ay aamisan yihiin, arrintaasi oo caraysiisay  madaxda sare ee dowladda Puntland iyo culumada waaweyne Puntland oo u arka kooxdan mid khatar ku ah diinta Islaamka iyo bulshadda Soomaaliyeed.

Gabagabadii, Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Kumar Camey ayaa hambalyo u diray ciidanka Dawladda Puntland ee ku heelan difaacida iyo ilaalinta sharafta shacabkooda, waxaana uu si gaara u bogaadiyey ciidamada magaalada Boosaaso ku soo qabtay walxaha qarxa, kuwaas oo cadawgu ku tala jireen inay ku wax yeeleeyeen shacabka magaaladaasi.


Horseed Media 2017