Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Maaliyada iyo Wasiir-ku-xigeenka oo booqday garoonka diyaaradaha ee Aden Adde ee Muqdisho ayaa sheegay in dakhliga ka soo xarooda qaadka laga soo dejiyo garoonka uu kordhay labadii maalmood ee u dambeeyay ka dib markii Isbedel lagu sameeyay Maamulka Cashuuraha.
Wasiirka Warfaafinta federaalka C/raxmaan Yariisow wuxuu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay samayn doono baaris iyo isla xisaabtan dhab ah si loo joojiyo musuqmaasuqa baahsan ee ka jira dowladda federaalka Soomaaliya
“muddo labo cisho ah canshuurta laga qaaday Jaadka soo gaara Muqdisho uu dhammaa in ka badan $130,000 tanoo u dhiganta koror ka badan $34,000 oo u dhiganta $550.000 bishii inaan la ogeyn meeshii ay aadi jirtey. Waxaana muuqata in 30% canshuurtii saxda ahead in la lunsaday oo aan la ogeyn meel ay ku baxday”
Wuxuu sheegay wasiirku in Lacagtaas tirada badan ee la lunsaday looga faa’iideyn karay in mushaar $100 lagu siiyo in ka badan 5000 askar ah oo ka tirsan Ciidamadda kala duwan ee dalka.
Gabagabadii, Mas’uuliyiinta booqatay xafiiska Furdada ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Waxau ammaaneen maamulka cusub ee Furdada oo la dagaalay musuqmaasuqa, waxayna ballanqaadeen in la abaal-marin doono shaqaalaha iyo maamulka la dagaalama musuqmaasuqa.
Horseed Media 2017