golis

Garoowe:Ereg Oo Ka Hadlay Sababta Shaqada Looga Joojiyay-Dhagayso

Taliyaha ciidanka booliska Puntland  C/qaadir Faarax shire (Ereg) oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta shaqo-fariisinta uu ugu sameeyaya madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim X. Cumar Camey.

Wuxuu sheegay in shaqo-joonjintu ay la xiriirto 12 dhalinyaro oo laga sii daayay Saldhiga Dhexe ee Caasimadda Garoowe, kuwasoo sifo sharci looga fasaxay xabsiga markii la cadayn waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

“ shalay 8:00 subaxnimo, annigoo xafiiskayga fadhiya waxaa i soo wacay madaxweyne k/xigeenka, wixii i waydiiyay kiiska 12 arday oo laga siidayay saldhiga dhexe ee Garoowe. Waxaan ugu jawaabay.. haa madaxweyne waan la socdaa, taliyaha qaybta ayaa sii daayay, sifo sharciga waafqsan ayuuna ku sii daayay, wixii amray inaan shaqada ka joojiyo taliyaha qaybta ilaa amar dambe inta laga baarayo kiiskaasi, waxaan ka codsaday inuu amar qoraal keeno si aan shaqada uga joojiyo, kadibna wuxuu yiri waxaan bixinayaa amar afka….kagama joojin karo shaqada amar afka ah ayaan ku iri madaxweyne kixgeenka” ayuu yiri Taliyaha booliska Puntland .

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray in madaxweyne K/xigeenka Puntland uu u sheegay in soo saari doono warqad uu isaga shaqada uga joojin doono, taasi oo uu taliyuhu uu warbaahinta u akhriyay xiliga uu qabanayay shirka jaraa’id

Wuxuu sheegay in 12 dhalinyarada ee laga siidaayay saldhiga dhexe 26 bishan, uu soo xiray Taliyaha la dagaalanka argagixisada iyo mukhaadaraadka Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse  oo dhalinyaradaasi ku soo eedeeyay burcadnimo iyo  in ay khalkhal amni ka wadeen caasimadda Puntland, hase yeeshee uusan keenin wax cadayn ah oo muujinaya dambiyad uu ku soo eedeeyay.

“ Wadanka dowladda baa ka dhisan, sharci, nidaam iyo kala dambayn buu leeyahay, dastuur ayuu leeyahay oo lagu kala dambeeyo maamulka dowliga ah, waxaa jira shuruuc uu boolisku ku shaqeeyo ama xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, 48 saac wixii ka badan waxaa loo baahan yahay in Garsoore maxkamadeed la waydiisto xalaalayn xabsi” ayuu yiri Taliyaha Booliiska.

Dhinac kale, Taliye Ereg wuxuu ku eedeeyay Gen Muxiyadiin  in shaqadii loo igmaday shaqo aan ahayn uu hayo, islamarkaana uu la wareegay shaqadii booliska gobolka Nugaal. wuxuuna ka codsaday dowladda Puntland inay kala saaraan shaqooyinka booliiska iyo laanta la dagaalanka argagixisada iyo mukhaadaraadka.

Shaqo-joojinta lagu sameeyay Taliyaha booliiska ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu dalka ka maqan yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waajibaadka xajka ugu maqan dalka Sucuudiga Carabiya.

Horseed Media