Shirkadda Pure Tech ayaa magaalada Hargaysa shaqaalaheeda ugu soo xirtay tababar Muddo bil ah socday,kaasi oo la xiriiray barashada teknoolagiyada casriga ah iyo dhammaan waxyaalaha la xiriira Combutarada
Shaqaalaha ayaa ka kala yimid xarumaha shirkadu ay ku leedahay Magaalooyinka Hargaysa, Galkacayo, Garoowe iyo Bosaso, waxaana casharada bixinayay khuburo ajnebi ah oo ku xeel-dheer aqoonta teknooljiyada casriga ah iyo computerada.
“ Tababarkan waxaan ugu talagalnay in aan kor ugu qaadno aqoonta iyo xirfadda shaqaalaheena ka howlgala xarumaheena, wuxuuna ku saabsanaan dhammaan cilad-bixinta qalabyada teknoolajiyada ee ay shirakadu keento, sida cilad bixinta dhammaan waxa la xiriira Combuterka, Kaamerooyinka CCTV, Qalabka loo adeegsado is-xaadirinta iyo qalabyada kale oo shirkadu ay dalka keento” sidaas waxaa yiri Maxamed Cabdirashiid Cali oo Maamulaha shirkadda Pure Tech
Cabdirashiid oo ka hadlayay Xafad lagu qabtay Magaaladda Hargaysa oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay shaqaalihii tababarka dhamaystay markii imtixaan laga qaaday kadib.Wuxuu ugu horrayn u hambalyeeyay dhammaan shaqaalihii ka faa’iidaystay Tababarka, isagoo kula dardaarmay in aqoonta ay barteen iyo xirfadda u siyaaday ay uga faa’iideeyaan bulshadda ay u adeegayaan.
“Puretech waxaa la asaasay Sanadkii 2013kii waxay hormuud u tahay shirkadaha ka ganacsada qalabka tiknoolajiyadda Sida computerada, Qalabka Networka iyo qalabyo kale, gaar ahaan wadamada Somalia iyo Djibouti ayay ka howlgashaa. Waxay sidoo kale shirkadu leedahay shirkadaha Pure Tech Retail chain iyo, Pure Tech solutions iyo shirkada kale la yiraahdo Pure Eath” ayuu yiri Maamule Maxamed Cabdirashiid
Sidoo kale Shirkaddu waxay heshiis wakiilnimo wadamadda Soomaaliya iyo Djibouti la gashay shirkada D-LINK oo samaysa qalabyada kala duwan oo loo adeegsado Internetka. Waxa sidoo shirkadu heshiis wada shaqayn ah la yeelatay shirkadaha HP, Lenovo, APC, Microsoft, Cisco iyo shirkadda Computerada ee Toshiba oo ay heshiis kula gashay in qalabkeeda ay wadamada Somaliya iyo jabuuti ay Jumlo ahaan ugu iibiso.
Wixii Faahfaahin ee Dheeraad ah ee Shirkadda Ku Saabsan Halkan ka Akhriso https://www.facebook.com/puretechretail
Horseed Media 2017