golis

Mashruuc lagu xoojinayo caafimaadka oo Garoowe lagu daahfuray -SAWIRO

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullahi Cumar ayaa maanta oo Arbaca ah magaalada Garoowe ka Daah-furay mashruuc loogu magacdaray xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, waxaana mashruuca maalgeliyey Bangiga horumarinta Jamarlka.

Furitaanka Mashruucan waxaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, wefti uu hogaaminayo safiir ku-xigeenka dalka Jarmalka u fadhiga Soomaaliya Mr. Markus Bollmohr iyo hay’addaha hawl-waddeenka la ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Camey oo kahadlay daahfurka mashuucan xoojinta caafimaadka ayaa sheegay in mashruucani yahay mid wax weyn ka taridoona hawlaha horumarineed ee caafimaadka Puntland, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in mashruucani isugu jiro hawlo caafimaad iyo dhismayaal xarumo caafimaad oo laga hirgelinayo labada gobol ee Mudug iyo Nugaal. Mashruucan ayaa la sheegay in dib u habayn iyo dayactir lagu samayn doono 20 Xarumaha Daryeelka Caafimaadka Hooyada (MCH) iyo daboolidda hawlaha caafimaad ee aasaasiga ah ee labada gobol ee Nugaal iyo Mudug. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ma sheegin gobolo kale oo mashruucan laga hirgelinaayo.

Ergayga ka socdey Safaaradda Jarmalka ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’ideysanayaan dad ka badan 2.2 milyan oo Soomaali ah, isla markaana uu kor u qaadayo caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka iyo weliba nafaqeynta dadka u baahan. Mashaariicdan ayaa u qaybsan labo, waxaana mid kamid ah hay’adda GIZ u wakiilatey fulintiisa hay’adda daryeelka hooyada iyo dhalaanka ee UNICEF.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimadda ay mashaariicdani u leedahay Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedba ee ku sugan guddaha Puntland, waxaana uu sidoo kale kahadlay waxqabadka balaadhan ee Wasaaradda Caafimaadku ka qabatay goboladda Puntland iyo kuwa hadda qorsha ugu jira inay fulliso oo dhamaantood waxtar buuxa u leh arrimaha caafimaadka ee Dawladda Puntland.

Faafin Horseed Media