golis

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo furay Shirka dib u eegista Mashaariicda Caafimaadka Gobolka Karkaar.(Sawiro)

Shirkan dib u eegista lagu samaynayo mashaariicda caafimaad ee ka socda gobolka karkaar ayaa waxa ka qaybgalay dhamaan maasuuliyiinta xarumaha caafimaadka ee ku yaala gobolka, madax ka socota hayada Save The children iyo madaxda sare ee wasarada oo uu horkacayo wasiirka wasarada caafimada Puntland Dr.C.nasir Cismaan Cuuke wuxuuna shirakn ka dhacay xarunta caafimadka degmada Wcyiye.

Shirkan oo ah mid sanadkiba 2 jeer la qabto ayaa waxa lagu soo bandhigaaa inta badan shaqada caafimaad ee ka socota gobolka iyo caqabadaha jira iyadoo degmo walba oo ka tirsan gobolka laga dhagasysto warbixinta cafimaad ee degmadaasi.

Ugu horayn shirka waxa ka hadlay duqa degmada waciye iyo isuduwaha wasarada caafimadaka goblka karkar liibaan yuusuuf Axmed Khayr waxayna xuseen muhimada caafimaadka u leeyahay bulshada halka Agaasimaha guud ee wasaarada C/rizaaq Xirsi Xasan sheegay inta u socdo shirkan uu rajaynayo in degoomiyinka gobolka ay soo bandhigaan caqabadaha jira iyo horumarada la gaaray.

Jaamc Maxamed Dacar oo kamid ah madaxda Save The Children gobolka karkaar ayaa sheegay in shirkani muhimadiisu tahay in dib loo eego mashaariicda caafimaad ee hay’ada Save The Children ka wado gobolka kuwaso isugu jira mashaariic horumarineed, mashaariic deg deg ah oo loogu talagalay inay ka jawaab celiyaan abaaraha waxana mashaariicdaasi kamid ah Mashruuca hooyada iyo dhalaanka, Mashaariic kale oo isku dhaf ah oo ay Nafaqada kamid tahay, hay’ada Save ayaa ayaana taageerta 46 goobood oo xarumo caafimaad ah kuwaso ku yaala gobolka iyo 6 kooxood oo kuwa wareega ah dhamaan xarumahaasi waxa ka howlgala shaqaale gaaraya 366.

Wasiirka wasaarada caafimaadka ayaa ugu dambayn si rasmi ah u furay shirka wuxuuna shaqalaha gobolka karkaar ku amaanay sida howlkarnimada leh ee ay u gutaan amaanada ay u hayaan bulshada taana gobolka ay gaarsiisay inuu helo mashaaruu ugu balaaran sadexda mashruuc ee xiligan ka socda gobolada Bari iyo Gardafuu, Mashruuca Nugaal iyo Mudug iyo Mashruuca karkaar wuxuuna wasirka ugu dambayn xusay in mashruuca karkaar u ka duwanyahay labada kale oo mudadiisu tahay 5 sano halka kuwa kale ay yihiin 3 sano.

 

Horseed Media 2017