golis

Wararkii u danbeeyey ee xiisadda maamulka Galmudug, Xaaf oo taageero helay

Aargada magaalada Cadaado

Magaalada Cadaado ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Galmudug ayaa xaaladeedu caawa tahay mid kacsan, magaalada waxaa buux dhaafiyey ciidamo aad u badan oo ka kala yimid meelo kala duwan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug oo shir ku yeeshay Hoteel magaalada Cadaado ku yaala maanta oo Salaasa ah ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale, sida Horseed Media ogaatey Xildhibaanada sheegtey in ay xil ka qaadis sameeyeen ma haysan kooram ay fadhi ku yeelan karaan.

Madaxweynaha Galmudug oo dhawaan ka soo laabtey dalka Imaaraadka Carabta ayaa caawa bixiyey dhaqaalihii ugu badnaa, waxaana Mushaharkooda la siiyey ciidamada badan ee magaalada soo galay, waxaana ku sugan Guriga Xaaf in badan oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug, kuwaas oo loo qaybiyey  lacag lagu sheegay Mushaharaadkii daahey waxaana isla caawa la qorsheynayaa in ay fadhi yeeshaan ay  xilka ka xayuubinayaan guddoomiyaha Baarlamaanka ee xabsi guriga ku jira ku-xigeenka waxaana warar sheegayaan in xitaa Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Carabey ay xilka ka xayuubinayaan, sida uu Horseed Media u sheegay qof goob jooge ah.

Lama oga xiisadda Galmudug halka ay sal dhigan doonto, waxaana muuqata in ay aad uga duwan tahay tii Jowhar ka dhacdey ee xilka looga qaadey Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Hirshabelle.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele ayaa khilaafka ka taagan Cadaado ku eedeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Raysalwasaarihiisa, Dowladdu weli kama hadlin eedeynta loo jeediyey.

Khilaafka ayaa soo baxay kadib markii madaxweynaha Galmudug Xaaf oo ku sugan magaalada Dubai uu keligiis soo saarey war uu ku taageerayo xulafada Sucuudiga ugana hor imaanayo Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug   Cali Gacal Casir ayaa maanta saxaafadda u sheegay in isaga  iyo kuxigeenkiisa kowaad iyo weliba Madaxweyne kuxigeenkii maamulka Galmudug ay ku jiraan xabsi guri.

Horseed Media