golis

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka oo gaarey Cadaado


Xildhibaano isugu jira labada aqal ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa subaxnimada Arbacada gaarey magaalada Cadaado oo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Wefdiga Xildhibaanada ah waxaa hoggaaminaaya Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Aqalka Sare Xil. Abshir Bukhaari. Abshir oo saxaafadda Muqdisho qaarkeed la hadley ayaa sheegay in ay Cadaado u tegayaan xalka gaaridda muranka siyaasadeed ee halkaas ka aloosan.

Waxaan Galmudug u tageynaa in Xal siyaasadeed loo helo xiisadda iyo in hey’adaha ka jira maamulka ay ku shaqeeyaan qaab sharciga waafaqsan”.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa maalintii shalay sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale, inkasta oo wararku sheegayaan in aysan haysan tiro ku filan oo ay xildhibanaadu Madaxweynaha xilka uga qaadi karaan, Isla habeenkii xalay waxaa shirey Xildhibaano Madaxweynaha Galmudug tiradooda ku sheegay 48, kuwaas oo waxba kama jiraan ku tilmaamey go’aanka ay soo saareen Xildhibaanada ku shirey Cadaado ee xilka ka qaadey Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug ayaa todobaadkii hore taageeray xulafada Sucuudiga waxaana uu dowaldda Federaalka ku canbaareeyey go’aankii dhex-dhexaadka ahaa ay qaadatey, xiliga uu go’aanka soo saarey ayuu ku sugnaa magaalada Abu Dhabi, mana jirin wax wada tashi ah oo uu la sameeyey golihiisa xukuumadda, taas ayaa keentey in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ay ka hor yimaadaan, Kadib waxaa la diyaariyey Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug inta uu dalka ka maqan yahay waxaana uu si deg-deg ah ku soo galay Cadaado ka hor inta aysan fariisan Xildhibaanadu. Xaaf ayaa sheegey in Dowladda Federaalku ku xanibtey Hargeysa oo uu dhaxdin ku ahaa, si loo meel mariyo inqilaab uu sheegey in lagu samayn lahaa, arrimahan ayaa noqdey halka khilaafku ka unkamay. Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuxigeenkiisi labaad iyo Madaxweyne ku xigeenkii ayaa ku jira xabsi guri kaas oo soconaya muddo shan maalmood ah oo ka bilaameysa maalintii shalay ee Salaasada sida isagu afkiisa uga sheegay saxaafadda.

Magaalada Cadaado waxaa buux dhaafiyey ciidamo hubeysan, waxaana ay talada kala wareegeen ciidankii horey u joogey ee NISA ee ilaalin jirey goobaha maamulka oo ah Madaxtooyada oo keliya, maadaama haykalkii maamul aanu u dhisneyn Galmudug.

Xildhibaanada Muqdisho ka tegey waxaa kamid ah kuwo si weyn loogu yaqaano in ay ka soo horjeedaan Dowladda Federaalka isla markaana si weyn u riixi jirey Kiiskii Qalbi-dhagax, DOwladdana ku ah mucaarad.

Horseed Media