golis

Hotel Karaama ee magaalada Bosaso oo dib loo furay-Sawiro

Hotel Karaama 2 ee magaalada Bosaso ayaa dib loo furay kadib muddo shan sano ah oo uu xirnaa hotelkaasi.

Xafladda furitaanka oo ka dhacday hoolka shirarka ee hotelka ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka hotelka, siyaasiyiin, aqoonyahano, ganacsato, dhalinyaro, haween, nabadoono iyo culimo’udin.

Milkiilaha hotel Karaama 2 Siciid Karaama oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in hotelka laga heli doono adeegyo dhammeystiran, isla markaana uu shaqeyn doono 24 saac.

Siyaasi Maxamad Siciid Kashawiito oo isna ka hadlay goobta ayaa soo dhaweeyey dib u furidda maqaayadda Karaama, waxa uu intaasi ku daray in magaalada ay u baahnayd xili muhiimna dib loo furay hotelka.

Maamulaha bangiga Dahabshiil Yaasi Haaji oo ugu dambeen ka hadlay madasha ayaa sheegay in loo baaahan yahay in xarumaha noocaan ookale ah laga furo magaalada Bosaso maadaama magaalada ay tahay xarunta ganacsiga Puntland-Soomaaliya.

Maqaayada Karaama ayaa waxaa laga heli karaa cuntada noocyadeeda kale duwan, hoolka shirarka, xafladaha iyo aroosyada.

Milkiilaha Karaama 2 Siciid Karaama ayaa waxa uu sidoo kale xarumo ganacsi ku leeyahay magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho.

Horseed Media 2017