golis

Dagaal mar kale ka dhacay meel ku dhaw Gaalkacyo

Xerada ciidanka Puntland ee deegaanka Godad

Wararka ka imaanaya bariga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in mar kale dagaal culus uu halkaas ka dhacay. Dagaalka ayaa u dhexeeya dad ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland.

Malayshiyaad ka soo jeeda Galmudug ayaa muddooyinkii danbe  weerar ku ahaadeegaanka  Godad oo ah tuulo hoostagta Puntland uuna ku yaalo saldhig  ciidanka Puntland, waxaana dagaalka xoogiisu ka dhacay Godado, Gacma Fuule iyo halka loo yaqaan Cali Waal.

Wararku waxay sheegayaan in ay jirto khasaaro labada dhinacba ah, ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyooday, waxaana Gaalkacyo la keenay dhaawacyo gaaraya 20 oo ka soo kala jeeda labada dhinac.

Inkasta oo Galmudug iyo Puntland ay marar badan sheegeen in ay heshiiyeen, ayaan heshiis dhab ah loo sameyn bulshada iyo weliba reer guuraaga.

Horseed Media