Wararka laga helayo magaaladda Galkacayo ee xarunta gobolka mudug ayaa sheegay in 4 qof ay ku geeriyoodeen, 10 kalena kalene dhaawacyo ka soo gaareen dagaal magaalada ku dhax maray ciidamo iyo maleeshiyaad kala taageeraya ganacsatada maamullada Galmudug iyo Puntland.
Dagaalka ayaa ka bilowday muran ka dhashay Bakhaar ku yaal suuqa Galkacayo ee dhinaca Puntland, kaasi oo ganacsatadu isku fahmi waayeen, ka dibna waxaa bilaabatay Rasaas xoog leh oo ay iswaydaarsanayeen ganacsatada labada dhinac, oo sababtay in dhammaan howlihii ka socday suuqa galkacayo uu istaago
Dadka ku geeriyooday dagaaladda iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa lagu soo waramayaa inay isugu jiraan dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah oo rasaastu ay xarumahooda ganacsiga ku haleeshay. dadka dhintay labo ka mid ah waxay ahaayeen askartii isku dhafka ahayd ee loo xilsaaray ammaanka magaaladda Galkacayo.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug C/rashiid Xaaji Carta oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay inay ka maamul ahaan isku dayayaan in dagaalka la joojiyo iyagoo kaashanaya dhinac kale ee Puntland, iyagoo ka hortegaya in dagaalka isu bedelo dagaal weyn.
Xaaladda magaaladda Galkacayo ayaa caawa degan, mana jirto wax rasaas ah oo ka dhacaysa halkii maanta dagaalku ka dhacay, hase yeeshee waxaa jira feejignaan dadka shacabka oo laga baqayo in dagaalki iskiis mar kale u qarxo.
Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulada labada dhinac ee gobolka Mudug ay muddooyinkii dambe ka shaqaynayeen sidii loo xakamayn lahaa shaqaaqooyinka ka dhaca duleedka magaaladda Galkacayo iyo degaamadda kale ee gobolka Mudug, iyadoo labada dhinacna ay sameeyeen ciidamo isku dhaf ah oo ilaaliya amniga magaaladda Galkacayo.
Horseed Media 2017