golis

Galmudug: Wadahadalka Ahlu Sunna iyo Xaaf ee ka dhacaya Jabuuti


Dalka Jabuuti ayuu maanta ka furmayaa kulan lagu dhex dhexaadinayo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, kulankan oo ah kii ugu horeeyey oo ay hogaamiyayaasha labada dhinac si fool ka fool ah u yeeshaan.

Magaalada Jabuuti ayey ku sugan yihiin madaxda labada dhinac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ayaa mar uu shalay ka dhoofayey Muqdisho sheegay inuu rajo weyn ka qabo shirka ka dhacaya dalka Jabuuti.

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca Shiikh Shaakir ayaa isaguna ku sugan dalka Jabuuti, Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa horey u sheegtay inay sameysatay maamul la baxay Gobala Dhexe, kaasi oo ka arrimiyo dhulka ay ku sugan yihiin taageerayaashooda ee ka tirsan gobalada Galgaduud iyo qeybo kamid ah gobalka Hiiraan.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu fashilantay inay heshiis dhex dhigto labada dhinac, Ahlu Sunna ayaa ku eedaysay marar badan iyo dowladii hore ee Federaalka ee Xassan Shiikh Maxamuud iyo Villa Soomaliya ay qeyb ka ahaayeen sababaha loo gaari waayey heshiiska.

Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa u aragta qaabkii lagu dhisay maamulka Galmudug, gaar ahaan nidaamka loo qeybiyey Baarlamaanka iyo xukuumada mid aan iyaga u cuntamin, taasi oo keentay inay qaadaceen maamulka lagu dhisay Cadaado ee Galmudug.

Horseed Media