golis

Xalkii Loo Helay Muranka Dakadda Boosaaso iyo Mustaqbalka -MAQAAL

oped

This post reflects the opinions of the author and not necessarily those of Horseed Media as a publication.


Waxaa si weyn loo soo dhaweeyey heshiiskii ay Isimada Puntland ka gaareen murankii xanibey habsami socodka dakadda Boosaaso kadib heshiiskii P&O, dad badan oo aan ka mid ahay aniga qoraaga ah ayaa si weyn ugu farxay in dakaddu mar labaad si caadi ah dib u hawlgasho, waxaana isimadu muujiyeen in ay iyagu yihiin marjaca ugu danbeeya ee furdaamiya markasta oo xaaladi cakiranto.

Qormadan waxan ku ee gayaa:

  1. Maloo Bahnaa in Isimado murankani soo Dhexgalaan?
  2. Maxaa Dowlada Puntland Iminka Lagudboon?
  3. Maxaa Ganacsatada Lagudboon?
  4. Maxaa Shacabka Puntland Lagudboon?

Doorka Isimada

Qofkasta oo fahamsan nuxurka iyo muga macanaha Dowlad ma jecleysaneyo inuu arko xoogag kale oo si lasiman awood mug leh ku leh aayo katalinta waddanka oo misna ka madax banaan dowlada markaa hogaanka wadanka heysa, waxaase is weydiin mudan waa noocee dowlada Puntland?. Dowladda Puntland waa mid iyadu katimi hogaanka dhaqanka oo aanan ku iman rabitaanka shacabka (hal qof iyo cod), sida darteed waxa la dhihi karaa hoggaanka dhaqanka Puntland waa aabaha dowlada Puntland, markaas doorkodu waa mid marwalba taagan.

Maxaa Lagudboon Dowlada Puntland?

Muranka dekadda iyo soo dhexgalka isimada waxay aad u muujisay kalsooni xumida shacabku ku qabo dowlada Puntland, sidoo kale waxay banaanka keentay karti la’anta, hufnaan la’aanta iyo khidad xumida dowlada. Sida awgeed waxaa lagudboon iminka in wixii sixid u baahan ay dowladu latimaado qorshe lagu hagaajinaayo oo lagus axaayo, wixii hadda kadanbeyana aysan mala awaaleyn, afmisharayn arimaha masiirka u ah aayaha ummada. Waa in ay fahmto waddankani inuu leeyahay dad iyaga khibrad, garaad iyo aqoonba dheer oo waxkasta ka jecel horumar Puntland.

Waxaa maamulka Cabdiweli Cali Gaas aad loogu amaanay mashruuci ugu weynaa ee kadib qaran jabkii Soomaaliya laga fuliyo oo ahaa dhismihii garoonka diyaaradaha, waddada Ceel Dahir iyo bilowgii gegida diyaradaha Garowe oo hadey dhamato noqon doonta midda ugu muhiimsan wadanka Soomaliya. Balse intaas oo horumara oo ay ku tilabsatay waxaa daah ku rogay musuqmaasuq si qaaawan banaanka uyimid sanadahan danbe. Madaxda ugu sareysa waddanka ayaa hormuud kanoqday kutakrifalka dhaqalaha yar iyo raasimalka wadanka. Markasta oo dadku ka muujiyaan dareen sida wax u socdaan, xalku maamulka Puntland la yimaadaa waxa uu noqdaa Agasimayaal la magacaabo, ama degmooyin qaab qabiil loo magacabo oo qeybi oo xukun kudhisan iyo safaro dibadaha lagu kala bixiyo oo macno ahaan aan dhaafsiisaneen igu sawir (photo opportunity) lahayn.

Maxaa lagudboon Ganacsata Puntland?

Magaca ganacsade marka lagu qeexayo Soomaali ahaan wuxuu noqdaa macne keliya, balse waxaa jira labo nooc oo uu u kala baxo oo marka afafka qalaad la isticmaalayo (investor and trader).

Kanhore (investor) waa maalgashade wuxuu hantidiisa geliyay waddanka, wuxuu abuuray shaqo iyo wax soo saar. Wadankasta waxaa jira sharciyo khaas ah oo maalgashadaha hantidiisa lagu ilaaliyo; sida isagoo cashuur dhaaf loo sameeyo, dowlada oo wax ka amaahata ama amaahiya, madaxda waddanka oo uu ur aaco waddamada xiiriirka ganacisya lala yeelanayo si uu ganacsigiisa ugu helo xiriir dibadeed, iyadoo la mamnuuco wax kastoo lid ku ah wax soo saarkiisa in waddanka lakeeno.

Kankale waa Gedisley (trader) oo nooca Somalida kubadan tahay saaxibkiisa dhow waa cashuur uruuriye (tax man), waddankasta oo nidaamka cashuurtiisu xooggantahay, hay’adaha dowliguna shaqeynayaan Waaradluhu ama Geddisleydu ma jecla waayo intabdan wuxuu gadaa wax uusan soo saarin (middle man). Si macaashkiisu (profit margin) u koro waa inuu helaa badeeco jaban (xitaa haday tayo xun tahay) iyo canshuur hooseesa.

Ganacsatada Soomaaliya ugu awood weyn waa Waaradle/Geddisley (traders), iyagaa leh rugta ganacsiga una hadla danaha ganacsatada. Sanadahan danbe siyaasiin ayeey u xiib-siibteen, oo baarlamanka federalka mug fiican ayaa uga jirta. Aqoonta ay uleeyihiin waxa ay ka ganacsanyaan waa mid aad u kooban waxayna kamid yihiin caqabadaha waddanka haysta oo loobahanyahay in laga gudbo.

Haddaba madaama aduunku uu usocdo in qolo walba ay soo saarato qutul daruurigoda (food security) Soomaaliyana ay u horeyso , waxa habboon guud ahaan ganacsatadu in muhiimadooda saraan waddanka wax soo saarkiisa. Waa jiraan caqabado balse fursadaha jira ayaa badan.

Puntland, Boosaaso waxa ay leedahay madaarka ugu wanaagsan Somaliya laakiin nasiib darro ma jiraan diyarado icaalami ah oo isticmaala. Inkastoo eeda kowaad ay leedahay maamul xumida Wasaaradda duulista Puntland hadana waxaa maqan doorkii Ganacsatada Puntland. Waxan ogahay in diyaaradaha caalamiga ee isticmala madaarka Hargaisa ay lasoo heshiyeen ganacsato xiriir ganacsi (partnership) lasameysay, kuwaas oo fududeeyey caqabado badan oo ay shirkadahani kala kulmi lahayeen macamiisha iyo sharuucda waddanka.

Fursadaha jira oo haddii dakada labalariyo waxa kamida ah; waddanka malaha keydka Gaaska cunada (LGP tanker storage) iminka isagoo qaali ayaa waxa laga keenaa Berbara. Sidoo kale waxaa maqan haamaha raashinka lagu keydiyo (Bulk cargo). Rashinka in lakeydiyo uu waddanka u baahan yahay waa kuwa quutul daruuriga sida Sonkorta, Bariiska, Burka iyo Saliida. Waxaa hoos udhici lahaa sicirka cunada, wuxuuna wadanka yeelan lahaa keyd raaashin.

Boosaso marka laga tago wadama khaliijka, waxaa udhow Bakistan, Hindiya iyo Shiinaha oo runtii haddii ganacsigeeno iskuxirmo wax badan waddanka kabadali karta.

Maxaa lagudboon Shacabka Puntland?

Dad badan reer Puntland baa lagushubay in Shirkadda P&O danta heshiiska dakadda Boosaaso ay tahay sidii dakada Bossaso u curyamin laheyd si ayasan ula tartamin midda Jabal Cali ee Dubai. Inta badan dadka taas ku doodaya mahayaan xog dhaafsan waa layiri. Qofkii garanaya, Jabal Cali waxay kufadhisaa dhul baaxadiisu tahay 20KM. Waxaa laga dajiyaa 220 Milyan oo konteenar sanadkii, waxa kuyaal qeybta xorta ganacsiya (free trade zone) halkaas oo ay kuyaalaan warshado waa weyn iyo kuwo yar-yar. Nin u dhashey dalka Hindiya oo Khudaarta Hindiya ka keena ayaan weydiiyay ganacsigiisa, wuxuu igu yiri gobolka aan ka keeno khudaarta oo 28 million oo qof ay kunool yihiin waxaa ka suuq weyn Imaaraadka, sababtuna wey ka jeebweyntahay. Marka dhaq-dhaqaaqa dakadda hadba wuxuu kuxiran yahay dadka waddanka degan awooda waxay dhoofin karaan iyo waxa ay lasoo dagi karaan.

Tusaale kale ayaa ah Nin ka mid ah dadka wax soosaarka ku leh Koonfurta Soomaaliya ama dhulka webiyadu maraan ayaa mid lamid ah tan ninka Hindiga ii sheegay, wuxuu yiri Khudaarta sida canbaha wa ay soo dhaaftaa Xamar/Muqdisho oo waxaa lageeyaa Puntland, sababtu waa macaashka lagahelaayo ayaa weyn taas oo an u gartey dadka Puntland waa kajeebweyn yihiin dadka Koonfur kunool marka boqoleey loo eego. Puntland waa meelaha oogu fursad fiican Somaliya xag ganacsi iyo maal gashi, balse in yar oo dadkeeda ayaa isku dayday in maalkooda geliyaan wax soo saar.

Inta badan maal-gashiga aanu sameeya wuxuu ku egyahay guryo la dhiso, guriga wanagsan oo Puntland laga dhiso wuxuu ugu yaraan kubaxda 50-60,000USD. Waxaa taas dheer iyadoo qalabka waddanka laga helo uusan tayo laheyn oo gurigii iminka aad dhistaa uu sadex sano gudaheeda uu u ekanayo mid 50 sano jira. Waxaan isbar bar dhignay qalabka dhismaha laga helo Hargaysa iyo kuwa Bossaso, kuwa Bossaso ayaa 30% tayo liita waayo ganacsatada Puntland ayaa aad udoona badeecad raqiis iyo macaash aaad ubadan.

Waxaan ku talin lahaa lacagta guryaha la degaayo ama kirada loo rabo keliya aanu galino wax soo-saar. Waddankani waxaa soo gasha lacag aad u badan oo inta badan qurba joogta wadanka soo dirto, nasiib xumo lacagtaa inteeda badan waxay ku hartaa waddamada deriska ah sida Imaaraadka, Kenya iyoJ abuuti. Lacagtaa waxaa lagu soo waridaa alaabo lagu farsameeyay wadamo kale, lacagtaa adag alaabaha lagu soo iibiyo waxa ka mida biyaha lacabo iyo maandoriyaha qaadka.
Gunaanadkii waxan oran la ahaa garoomo diyaradaha, jidad ama dekad ladhiso hodan kunoqon meyno hadaanun wadanka maalgashi helin.

W.Towfiiq
Axmed Xaji
axmey_m@hotmail.com